Kylian Mbappe oo ka qiseeyey qaab cajiib ah oo uu ku noqday taageere Milanista ah

0

(Paris) 24 Maajo 2022 – Jookarka kooxda PSG oo haatan qaata mushaharka ugu qaalisan ee Kylian Mbappe, ayaa hambalyo u diray kooxda AC Milan oo Axaddii hanatay Horyaalka Talyaaniga, isagoo ka sheekeeyey sida uu ku noqday taageere Milan.

“Xiriirka aan la leeyahay Milan waa mid gaar ah. Markii aan yaraa waxa aan lahaa gabar Talyaani ah oo i xannaanaysa, waxaanan waqti badan la qaatay qoyskeeda oo dhammaantood taageere u ahaa Milan. Iyaga (qoyskaa) dartood, waxaan taageeray Milan oo aan daawaday ciyaaro badan oo ay dheelayeen.”

Mbappe ayaa raaciyey: “Mar walba waxaan iraahdaa: Haddiiba aan waligay ka ciyaaro Italy waxa ay ahaan doontaa Milan oo kaliya. Ma dhaafi karo inaan ugu hambalyeeyo Scudetto-ha, iyadoo ay saaxiibo badan oo Faransiis ihi ay halkaas ku ciyaarayeen iyo Ibrahimovic, oo ah halyeey aan ixtiraamo in badan.”

Kylian Mbappe ayaa jac xun ku dhejiyey kooxda Real Madrid oo mar aad u aaminsanayd inuu safkooda kasoo muuqan doono fasal-ciyaareedka soo aaddan, waxaana ay haatan warbaahintu qoraysaa inay u weecan doonaan garab weerarka Milan ee Rafael Leao.

Hadalsame Media