Dal wayn oo sheegay inuu mashaariic waawayn ka fulinayo Somalia (Ciidanka oo uu taageerayo)

0

(New York) 24 Maajo 2022 – Danjiraha Shiinaha ee QM ayaa ku baaqay in taageero caalami ah lala garab istaago Somalia si loo hagaajiyo ammaanka iyo xaaladaha bini’aadminnimo ee Soomaaliya, xilli dalka lagu soo gabagabeeyay doorashooyinkii madaxtinimo iyo kuwii sharci-dejineed.

Shiinaha ayaa sheegay inuu taageerayo dowladda cusub ee Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) gaar ahaan dhanka xoojinta isku xirka iyo isgaarsiinta inta lagu jiro xilliga kala guurka ee amniga.

Shiinuhu wuxuu ugu baaqay dalalka Somalia kaalmeeya inay sii wadaan bixinta taageero maaliyadeed oo waarta oo la saadaalin karo oo la siiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo ATMIS si loo xaqiijiyo hirgelinta barnaamijyo wax ku ool ah oo dhanka amniga ah.

”Shiinaha waxaa ka go’an in uu Soomaaliya ka caawiyo dhinacyada dhaqaalaha iyo horumarka bulshada iyadoo loo marayo iskaashi dhab ah.” ayuu hoosta ka xarriiqay.

Dhowaan Shiinuhu waxa uu Soomaaliya soo gaarsiiyay gargaar cusub oo dhinaca badbaadada iyo caafimaadka ah, waxaana uu sheegay in uu qorsheynayo in uu Soomaaliya siiyo qayb kale oo gargaar cunto ah oo degdeg ah, sida uu yiri ergaygu.

Shiinaha ayaa sidoo kale beri dhowayd Somalia siiyey qalab ciidan oo u badan gawaarida waawayn ee ciidamada qaada.

Hadalsame Media