TILLAABO UGUB AH: Daroonka Turkiga ee Akinci oo isaga oo aan la arag 3 dal dul maray + Sawirro

0

(Hadalsame) 23 Maajo 2022 – Marxalad cusub oo horusocod ah, diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee dalka Turkiga ayaa samaysay duullimaad aan hore loo arag taasoo ka soo kacday woqooyi-galbeed Turkiga kuna degtey Asarbajan.

Waa nooca Akıncı ee aan la wadin (UCAV) oo todobaadkan lagu soo bandhigayo carwada Teknofest ee dalka Azerbaijan oo la qabanayo 26-29 Maajo, taasoo noqonaysa carwadii ugu horreeysey ee farsamadan lagu soo bandhigayo ee ay ka qayb gasho dayuuraddan Turkish-ka ihi.

Labo diyaaradood oo Akinci ah ayaa Sabtidii kasoo kacday degmada Luorlu ee woqooyi-galbeed ee Tekirdağ, mid subaxnimadii ah iyo mid galabnimadii la diray, waxayna dul mareen Turkiga iyo Georgia kahor inta aysan ka soo degin garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Heydar Aliyev ee caasimadda Baku, sida ay sheegtay shirkadda dhista ee Baykar oo sidoo kale dhista Bayraktar TB2.

Safarkaa oo daboolay masaafo dhan 2,000 oo kiilomitir, waxayna sidaas ku dhammaystirtay duullimaad 5 saacadood qaatay oo ay ku socdaashay 3 waddan, waana tillaabadii ugu horreeysey taariikhda duullimaadyada Turkiga.

Tan ugu muhiimsani waa in diyaaraddan aan la arkin intii ay safarka ku jirtey iyadoo horay loo siiyey Ukraine, Qatar, Azerbaijan, Poland iyo sidoo kale Ciidanka Xoogga Dalka Turkiga (TSK), waxayna bishii tagtay ka qayb gashay howlgalkii ugu horreeyey kaddib markii weerar lagu qaaday kooxda PKK ee woqooyiga Ciraaq.

Akıncı oo xitaa ka ballaaran Bayraktar TB2 ayaa qaadi karta dhowr nooc oo ah nooca Smart Micro Munitions (MAM-L) ee ay samaysay Roketsan. Waxaa kale oo ay ku qalabaysan tahay raadaarka dhijitaalka ah ee AESA, gantaalaha cir-ka-cirka ah ee Gökdoğan (Merlin) iyo Bozdoğan (Peregrine).

Hadalsame Media