Maxaa maalin kaddib doorashada Xasan Sh ku beegay soo noqoshada Maraykanka?! – Shiinaha oo kashifay istaraatijiyad caalami ah oo ka dambaysa

0

(Beijing) 23 Maajo 2022 – Madaxwaynaha Maraykanka, Joe Biden, ayaa ansixiyey codsi uga yimid Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka, Lloyd Austin, oo ahaa in dib loo soo celiyo joogitaan ciidan oo rigli ah oo Soomaaliya laga sameeyo si dagaal wax ku ool ah loogu qaado kooxda Al-Shabaab, oo uu Mareykanku u aqoonsaday urur argagixiso shisheeye bishii Maarso 2008-dii, sida lagu qoray Global Times oo hoos taga Dowladda Shiinaha.

Warbaahinta Maraykanka oo soo xiganeysa sarkaal Maraykan ah ayaa soo tebisey in “wax ka yar 500 oo askari” ay dib ugu laaban doonaan dalka Somalia. Talaabadan ayaa meesha ka saaraysa go’aankii hore ee 2020-kii uu horey u qaatay Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ee ahaa in ciidamadiisa uu kala baxo dalkan ku yaala Bariga Afrika.

Taariikh ahaan, xusuusta Ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya ma fiicna. Wixii ka dambeeyay dhacdadii laga sameeyey film-kii “Black Hawk Down” 1993-dii, ee maydadka askarta Maraykanka ee dhintay ay Soomaalidu ku jiidey waddooyinka Muqdisho, waxay kicisay dhaleecayn loo jeedinayo maamulkii Bill Clinton ee xilligaas waxayna abuurtay cadaadis ah keenay ka bixitaankii Ciidamada Maraykanka ee Somalia. “Black Hawk Down” waxay Ciidamada Maraykanka ku noqotay xanuun aan la illaawi karin waxayna xitaa badashey siyaasaddii Maraykanka ee qaaradda, ayuu raaciyey qoraalka.

Warqaadka ayaa sii hadlay isagoo sheegay in Trump aanu danayn jirin Afrika guud ahaan oo uu u yaqaanney meel dhimatay (shithole), isagoo aan xitaa hal dal oo Afrikaan ah booqanin mudadii uu halkaa joogey, balse Biden taa wuu ka duwan yahay oo wuxuu ka shaxayaa oo wax ka eegayaa xagal istaraatiji ah iyo mid amni waxaana ka mid ah.

1 – Waxaa gobolka jooga labada dal ee Ruushka oo kusii xididaysanaya Eritrea oo ah dalka qura ee Afrikaan ah ee ka codeeyey qaraarkii QM ee Ruushka looga dalbanayey inuu ka baxo Ukraine iyadoo uu Maraykanku doonayo inuu si caalamiyan ah u go’doomiyo kaddib duullaanka uu ku qaaday Ukraine, halka Shiinaha oo saldhigga saanadeed ee qura ee uu dunida ku leeyahay uu ku yaallo dalka Jabuuti waana laba dal oo wada dhaca Geeska Afrika, ayuu qoray Global Times.

”Somalia oo ah meel istaraatiji ah oo muhiim u ah amniga guud ee caalamka, islamarkaana u ah marinka isku xira Badwaynta Hindiya iyo Badda Cas ee sii gasha Badda Dhexe Mediterranean-ka, balse waxaa sidoo kale gobolka ka jira haliso kale oo amni oo aan kaliya ku koobnayn Somalia e sidoo kale ka jira dalalka deriska la ah sida Itoobiya iyo Suudaan.” ayuu qoray.

2 – Intaa waxaa dheer, Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay ka mid tahay kaydadka shidaal ee ugu dambeeya ee aan la sahmin caalamka. Bishii Febraayo, Madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya labaduba waxay diideen heshiis shidaal baaris ah oo ay la saxiixdeen shirkad laga leeyahay Maraykanka oo la yiraahdo Coastline Exploration oo ah shirkad ka shaqeyneysay sahminta shidaalka Soomaaliya, gaar ahaan biyaha fog ee badda, saacado kaddib markii la saxiixay sababo la xiriira ilaalinta hantida qaranka. Waxaa laga yaabaa in Washington ay aad uga xumaatay natiijadan.

3Sidoo kale, waxaa xusid mudan in maalin kahor goortii uu Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanku uu ku dhawaaqay go’aanka ah in Ciidamada Maraykanka loo soo daad-gureeyo Soomaaliya, ay dalka ka dhacday doorasho Madaxwayne oo uu ku guulaystey Xasan Sheekh Maxamuud oo horay usoo noqday Madaxwaynaha Soomaaliya intii u dhaxeysay 2012 ilaa 2017-kii.

Waxaan meesha laga saari karin suurtagalnimada ah in Washington ay si bareer ah ugu dhawaaqday inay ciidamadeeda dib ugu soo celinayso Soomaaliya iyadoo tillaabadaa lala eeganayo doorashada si ay uga hortagto in dowladda cusubi aysan qaadanin wax go’aan ah oo wiiqi kara danaha Maraykanka ee dhanka shidaalka, iyadoo lagu gabbanayo magaca “la-dagaallanka argagixisada” walow aysan taasi saamayn xooggan yeelan doonin xitaa haddii ay Washington wax uun ka samayso dhinacaas.

Qoraaga waa cilmi-baare sare oo ka tirsan Machadka Charhar iyo Machadka Galbeedka-Aasiya iyo Daraasaadka Afrika ee Akadeemiyada Shiinaha ee Cilmiga Bulshada. opinion@globaltimes.com.cn

W; T: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media