Wasiir ka tirsanaa Xukuumadii hore oo u qalma in laga dhigo RW cusub (3 sababood oo uu ku istaahilo?)

0

(Hadalsame) 22 Maajo 2022 – Waxaa soconaya howl ka mid ah midda ugu adag ee uu wajaho MW kasta oo xilka qabta, taasoo ah soo xulidda RW xukuumadda cusub, maadaama dadku aanay lahayn aragti qaran oo ay siyaasaddana qayb wayn ka tahay qabyaaladdu waxay qabiilladu u kala ordaan xilkaasi. Halkan ka DAAWO…

Waxaa ay dadka qiimeeya bandhigga siyaasiga ihi ay soo jeedinayaan in RW DF Somalia lagu eego Danjire Axmed Ciise Cawad oo Xukuumadihii Khayrre & Rooble ka ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibedda, sidoo kalena ahaa Danjihii hore ee Maraykanka fadhiyey.

Dabcan Cawad ma eed la’a gaar ahaan xilligii uu ahaa metelaha Somalia ee magaalada Washington, DC oo lagu eedeeyo inuu dhallinyaro badan kusoo celiyey dalka Somalia oo aan ammaan ahayn, balse qof aan eed lahayni ma jiro, iintaana waxaa ka mudan astaamaha kale ee togan sida:

1 – Cawad ayaa lagu qiimeeyaa inuu yahay nin deggan oo miisaaman, reer magaal ah inta badanna xusha erayada uu leeyahay sidoo kalena yaqaan door ciyaarka (role playing) oo ah arrin ka maqan siyaasadda Somalia oo aad ku arkayso qof ka tirsan DF Somalia oo u muuqda mid ka tirsan Maamul-goboleed, halkii uu u shaqayn lahaa qaranka.

Mararka qaar waxaan arkaynaa in jago heer qaran ah loosoo bandhigayo dad aan aragti qaranba lahayn oo ay qaarkood ku baaqayeen in dalka lasii kala jarjaro ummadana la qaybiyo si loo gaaro himilooyin dugsi hoose ah oo ay siyaasiyiin aragti reer lihi daba socdaan.

2 – Cawad waa nin Somalia ku xiri kara Galbeedka iyo Carabta oo ah laba dhinac oo ay tahay in lala xaalo ogolaansho iyo diidmaba, isagoo si wanaagsan ugu hadla luuqado arrintaa u saamaxaya.

3 – Haddii dhinaca beelaha loo kaco, taasoo nasiib darro aysan weli ka lug bixin siyaasadda Somalia, wuxuu kasoo jeedaa beelaha haatan u xuslinaya qabashada xilka Madaxa Xukuumadda Federaalka ah.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media

 

Facebook Comments