Fasiraad laga bixiyey sababta uu MW degayaa uu MW dooran ugu soo celcelinayo Madaxtooyada + Sawirro & Muuqaal

0

(Muqdisho) 22 Maajo 2022 – MW degaya ayaa markii 3-aad muddo todobaad gudihii ah MW dooran ku casuumey Madaxtooyada oo la sheegay inuu si rasmi ah ugu wareegayo maalinta Isniinta ee berritoole, haddii Alle ka dhigo.

Yeelkeede, marka laga soo tago in la ogyahay in ay labada hoggaamiye ka wada hadlayaan hab-raacyada xil-wareejinta iyo arrimo kale oo xog-siin u badan misna dadka indhaha gorgor leh ayaa aragti kale ka qaatay tillaabadan oo aan horay loo arki jirin.

Waxay dadkaasi ku micneeyeen kaftan ku aaddan in Farmaajo uu Xasan Sh tusayo farqiga u dhexeeya Madaxtooyada markii isaga ugu dambaysey 5 sanadood iyo suggood kahor.

Maamulka haatan tegaya ayaa waxaa meelaha uu aadka u naashnaashay waxaa ka mid ah Madaxtooyada Villa Somalia, waloow ay tahay arrin wanaagsan maadaama ay tahay wejigii dalka, misna dad badani waxay qabaan in tan ugu daruurisani ay mar kasta tahay hufidda nidaamka iyo waxqabadkiisa.

Hadalsame Media

Facebook Comments