Fal-celin ballaaran oo ka timid magacaabista taliye Samiira Naasir

0

(Muqdisho) 21 Maajo 2022 – Samiira Naasir oo ah gabar dhalinyaro ah oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa loo magacaabay Taliyaha Booliiska ee Degmada Shibis, sida ay baahisay warbaahinta Dowladda Federaalku.

Arrintan ayaa waxaa mar qura ka dhashay fal-celin ballaaran oo ka socda baraha bulshada Soomaalida.

Waxaa halkaa caawa si wayn u qabsaday sawirrada gabadhan lagu magacaabo Samiira Naasiir ee taliyaha looga dhigay Saldhigga Booliiska Degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Samiira oo ah gabar 23-jir ah ayaa ka mid ah Soomaalida kasoo noqotay qurbaha gaar ahaan dalka Norway.

Hadalsame Media