”Waxaan idiin haynaa Manhaj Islaam oo ”dhexdhexaad ah” – Safaaradda Maraykanka oo baxar dhex gashay & fal-celinta dadwaynaha

0

(Muqdisho) 20 Maajo 2022 – Fal-celin bulsho ayaa ka dhalatay farriin ay faafisay Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho oo ay ku sheegayso inay hayso masjid laga heli karo wax ay ku tilmaantay ”manhaj dhexdhexaadi ah oo dheelli tiran.”

”Ma ogtahay in uu jiro masaajid muuqaalka ah? Imaam Suhayb Webb ayaa daah-furay masaajidkan ku dhisan aalada muqaalka fog isagoo ujeeddadiisu tahay in sara loo qaado kobaca muslimiinta iyadoo loo marayo manhaj Islaami ah oo sugan, dheeli tiran oo dhexdhexaad ah.” ayaa lagu yiri farriin lasoo dhigay bogga Facebook ee Safaaradda oo lagu dhejiyey mareeg sidda xog dheeraad ah.

Yeelkeede, dadwaynaha Soomaaliyeed ayaa markiiba ka fal-celiyey farriinta iyagoo la yaab ku tilmaamay in Safaaradda Maraykanku ay isku dayayso inay barto diintooda.

”Masjid Manhajkiisa U.S Embassy laga Shaacinaayo Umad Soomaali ah hdana Muslimiin ah Uma Baahna….” ayuu soo qoray Muxyadiin Cali. Hoos kasii eeg fal-celinnada dadwaynaha kale.

Hadalsame Media

Facebook Comments