XOG: War kasoo kordhay lacagtii ay Xukuumaddii hore ka xayirtay Imaaraadka ee taalley Baanka Dhexe

0

(Muqdisho) 19 Maajo 2022 – Sida ay xaqiijinayaan warar soo baxaya, Danjiraha Imaaraadka Carabta ee Kusugan Muqdisho oo uu weheliyo Wasiirka Amniga Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Cabdulaahi Maxamed Nuur, ayaa saaka tagay Bangiga Dhexe.

Raggan ayaa la sheegayaa inay halkaas kala soo baxeen lacag dhan $9.6milyan oo Doollar oo ahayd lacagtii lagu qabtay Garoonka Dayuuradaha Aadan Cade sanadkii 2018-kii, taas oo waxa laga yeelayo ay Hay’addaha DFS isku khilaafeen bilo kahor.

Sida ay xog uu helay weriye Faarax Gallan ay cadeynayso, tillaabada ayaa ahayd mid soo bilaabatay maalmo uun kaddib doorashadii Soomaaliya ka dhacday, markii ay dhamaatay, iyadoo horey RW Rooble horay u amray in la fasaxo, balse uu diidey Madaxwaynaha xilka ka degaya ee Farmaajo.

Danjiraha iyo Wasiirka Amniga ayaa la sheegayaa inay wateen warqad amar ah oo lagu fasaxayo lacagtan, taas oo la aaminsan yahay in ay ogolaansho ka haysato MW dooran.

Hadalsame Media