”Xasan Sh wuxuu canaantay dadka sheeganaya dhulka Kenya!” – Daily Nation oo maqaal dheer ka qoray sida uu noqon karo xiriirka Somalia & Kenya

0

(Hadalsame) 19 Maajo 2022 – Xiriirka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa ahaa mid aad u wanagsan markii hore ee uu Xasan Sh. Max’ud ahaa Madaxwaynaha, inkastoo uu ahaa ninkii dacwada badda ee labada dal u gudbiyey Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda kaddib markii uu dib u dhac badani ka yimid dhanka Kenya wadahadal lagu xalin lahaa arrinta, ayaa lagu bilaabay maqaal lagu qoray Daily Nation oo lagaga hadlayo inuu wanaagsanaan doono xiriirka Somalia & Kenya kaddib dib u doorashada MW dooran.

Maxamuud oo dhowaan wareysi siiyey mid ka mid ah warbaahinta Soomaalida ee Online-ka ah ayaa ku adkaystay in Kenya iyo Soomaaliya ay iskaga dheggan yihiin sinta oo aanay kala maarmin.

Waxa uu sidoo kale canaantay codadka wadaniyiinta xagjirka ah ee ka jira Soomaaliya kuwaas oo sheeganaya qaybo ka mid ah Woqooyi Bari Kenya, ayuu raaciyey Cabdullaahi Axmed Sheekh oo ah tifaftirihii hore ee BBC oo maqaalkan qoray oo dib u doorashada Xasan ku tilmaamay fursad lagu cillad bixin karo xiriirka labada dal, isagoo labada dhinac ugu baaqay inay bedelaan sida ay isula dhaqmaan ama isu arkaan.

Dhanka Kenya, Soomaaliya waxay u noqon kartaa jaalka ganacsi ee ugu wayn dalalka dariskeeda ah, iyadoo tirakoobyadu ay muujinayaan in dakhliga ka soo gala qaadka iyo dhoofka kale uu gaari karo 60 milyan oo shillinka Kenya maalintii, taasoo haatan kala bar hoos u dhacday kaddib xayiraadda Somalia.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in kumannaan Kenyan ah ay ka shaqeeyaan Soomaaliya, kuwaasoo u badan dhanka hoteellada iyo macalimiin. Kenya, sidaas darteed, waxa ay u baahan tahay in ay joojiso in ay Soomaaliya ku eegto oo kaliya muraayadda amniga qaranka, taas beddelkeedana ay bilowdo in ay u aragto saaxiib ganacsi oo istiraatiji ah oo ay tahay in ay sii haysato.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale looga baahan yahay inay joojiso inay Muqdisho ula dhaqanto sidii walaal ka yar oo aan karti & tabar lahayn taasoo ay mar ahaan jirtey sannadihii dowladdii KMG ahayd, balse Somalia waxay dowlad rasmi ah oo dhammaystiran oo caalamku aqoonsan yahay noqotay 2012-kii.

Sidoo kale, kumannaan Soomaali ah ayaa u guuray dalka Kenya intii ay dalkooda ka socdeen dagaallada sokeeye ee daba-dheeraaday, ayay qaarkood samaysteen ganacsiyo lagu qiyaasay inay gaarayaan balaayiin shillin.

Waxaa dheer in sidoo kale ay Somalia ay dib u qiimaysay mudnaanteeda qaran oo ay haatan u aragto Kenya in ay tahay xarun ganacsi oo faa’iido badan u leh muwaadiniinteeda iyo saaxiib istiraatijiyadeed oo garab istaagey xilliyadii adkaa. Tani waa sida kaliya ee ay labada dal ku heli karaan iskaashi wanaagsan oo waara iyadoo aan loo eegin cidda madaxda ka ah Muqdisho waqti kasta, ayuu Cabdullaahi oo ah istaraatijiiste siyaasadeed kusoo koobay qoraalkiisa.

Hadalsame Media