RASMI: Xukuumadda Xil-gaarsiinta oo bayaan kasoo saartay lacagtii laga hayey Imaaraadka (Khalad maamuus oo dhacay)

0

(Muqdisho) 19 Maajo 2022 – Xafiiska RW Rooble ayaa bayaan rasmi ah kasoo saaray lacagtii laga xayiray Isutagga Imaaraadka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, si uu uga qeyb galo tacsida Allaha u naxariistee madaxweynihii geeriyooday Imaaraadka Sheikh Khaliifa Bin Zayid Al Nahyaan.

“RW Rooble ayaa sidoo kale Madaxwaynaha cusub ee dalkaas Sheikh Maxamed Bin Zayid u gudbin doona hambalyo iyo salaan uu uga wado Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud,” ayaa lagu yiri qoraalka oo uu jiro khalad dhanka maamuuska ihi.

“Dhanka kale Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay Dowladda Imaaraadka Carabta lacag dhan 9.6 Milyan oo Doollar oo horay looga xayiray.

“Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bishii January ee sanadkan amray in la fasaxo lacagtan oo lagala hakiyay dowladda Imaaraadka sanadkii 2018.” Ayaa la raaciyey bayaanka.

Khaladka maamuuska ihi wuxuu yahay inaan Xasan Sh weli rasmiyan u ahayn MW Somalia oo uu xilkaa weli hayo MW Farmaajo inta ay ka dhacayso xil-wareejintu.

Hadalsame Media