Maxaa iska bedeli kara xiriirka Somalia la lahayd dalalka Khaliijka gaar ahaan Imaaraadka & Qadar?

0

(Hadalsame) 19 Maajo 2022 – Axaddii waxaa Soomaaliya ka dhacday doorasho ay si degdeg ah xilalka ugu kala wareegeen labo madaxweyne. Inkastoo aysan shacabku qeyb ka ahayn doorashada, haddana waxay hannaanka doorashadu ku dhacday iyadoo meel walba toos looga daawanayo.

Isbeddelkan ayaa rajo u ah dal ay la degeen abaaro ba’an, qiimaha cunatda ee sii kordhaya iyo weerarro joogto ah oo ka imaanaya ururka Al-Shabaab.

Muhiimadda ay leeyihiin doorashooyinkan, ayaa sidoo kale waxay la xiriirtaa sida natiijadan ay wax uga beddeli doonto xirirka dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta. Tusaale ahaan, shantii sano ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xilka hayay, Soomaaliya xiriir wanaagsan lama aysan lahayn Imaaraatka Carabta, balse waxay xiriir fiican la lahayd Qadar.

Bishii June 2017, xasarad ayaa ka dhex bilaabatay dalalka Carabta, markii Imaaraatka Carabta, Masar, Sacuudiga iyo Baxreyn ay xayiraad cirka, dhulka iyo baddaba ku soo rogeen Qadar, Soomaaliya ayaa dhexda u gashay, inkastoo ay dhexdhexaad ka noqotay, haddana dowladda yaaa la rumeysan yahay inay la jirsatay Qadar.

Tusaale ahaan, Soomaaliya ayaa oggolaatay in shirkadda diyaaradaha ee Qatar Airways ay isticmaasho hawadeeda, taas oo u fiican Qadar maaddaama ay u fududeysay duullimaadyadeeda dalalka kale ee Afrika iyo Bariga Dhexe.

Si kastaba, halka ay dowladdii Farmaajo ka istaagtay xasaradda kama hor istaagin maamul-goboleedyada inay xiriirro gaar ah la yeeshaan Imaaraatka, tanna waxay sababtay inay sii kororto xiisadda ka dhaxeysay maamulladan iyo dowladda federaalka.

Balse saameynta dalalka Carabta ay ku leeyihiin doorashooyinka Soomaaliya iyagoo isku dayaya inay farogelin ku sameeyaan cidda noqoneysa madaxweynaha Soomaaliya waa sir aan daahsooneyn.

Doorashooyinkii 2017, Qadar ayaa la rumeysan yahay inay maalgelisay ololaha madaxweynaha xilka ka sii degaya ayna saameyn badan ku yeelatay arrimaha dalka si ka badan dalalka kale.

Sanadkii 2018, dowladda Soomaaliya ayaa $9.8 milyan oo ka timid Imaaraatka kula wareegtay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho. Sida dowladda laga soo xigtay, ujeeddadu waxay ahayd in farogelin lagu sameeyo codka kalsooni darrada ee Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Markii dambe, guddoomiyaha baarlamaanka xilka waa laga qaaday, lacagtuna waxay ku dambeysay akoonka dhexe ee dowladda.

Bilo yar kahor, ra’iisul wasaaraha xilka ka sii degaya ayaa isku dayay inuu soo celiyo xiriir Imaaraatka Carabta inkastoo uu amray sii deynta lacagahaasna, madaxweynaha ayaa diiday.

Imaaraatka Carabta, Qadar iyo Sacuudi Carabiya ayaa si joogto ah uga soo muuqanayay arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, gaar ahaanna xilliyada doorashada, sababo kala duwan awgood.

Qadar iyo Imaaraatka Carabta ayaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ka taageerayay militariga, dhaqaalaha iyo arrimaha gargaarka bani’aadannimo.

Xasan Sheekh

Xigashada Sawirka, BBC/ MAXAMUUD CABDICASIIS CABDISAMAD

Mashaariicda dekadda ee Imaaraatku ka wado Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa la soo gudboonaaday cadaadis ka imaanaya dowladda federaalka. Si kastaba, maaddaama haatan uu soo hagaagayo xiriirka dalalka Gacanka, danaha ku loollamaya Soomaaliya ayaa hoos u dhacay.

Falanqeeyeyaasha ayaa aaminsan in dalalka Gacanka, oo dhowaan heshiiyay, aysan daneyn weyn muujin, gaar ahaanna maalgelinta ololaha.

Sidaas darteed, madaxweynaha cusub, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu heystaa fursad fiican oo uu ku horumarin karo xiriirka dalalkan iyo Soomaaliya.

Falanqeeyeyaasha ayaa qaba inuu heshiis la ahaa dhammaanba dalalka Carabta doorashiidii hore, haatanna aysan ku adkaan doonin inuu xiriir la sameysto dalalka Carabta.

Halkee ayay ku dambeyn doonaan mashaariicda Imaaraatka iyo Qadar?

Dekada Boosaaso waxaa maamuli doonta shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka muddo 30 sano ah
Dekada Boosaaso waxaa maamuli doonta shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka muddo 30 sano ah

Bishii November ee sanadkii 2017, Hay’adda Maalgelinta Horumarinta ee Qadar (QDF) ayaa Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya la gashay heshiis ay mashaariic horumarineed oo kala duwan uga sameyneyso Soomaaliya, kuwaas oo qiimahoodu uu ku kacayo ilaa $200 oo milyan.

Agaasimaha QDF Khalifa Bin Jassem Al-Kuwari ayaa shir jaraa’id oo uu xilligaas ku qabtay magaalada Muqdisho ka sheegay in mashaariicdan ay ku jiraan dayactir lagu sameynayo dhismayaasha dowladda iyo dhismaha labo waddo oo caasimadda ku xira waqooyiga iyo koofurta. Waxaa sidoo kale mashaariicda ka mid ahaa kuwo waxbarasho.

Al-Kuwari ayaa sheegay in sidoo ay jiraan mashaariic lagu horumarinayo dhalinyarada oo isugu jira kuwa barashada farmada iyo tababarro kale.

Mashaariicdan ayaa qaarkood la hirgeliyay, halka kuwo kalena ay weli socdaan.

Dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye ayaa haatan dhammaad ah, halka waddada Muqdisho iyo Jowhar-na uu dhismaheedu weli socdo.

Dhanka kale, Imaaraatka Carabta ayaa bishii Abriil ee sanadkii 2018 joojisay barnaamij tababar militari oo ay ka wadday Soomaaliya, iyadoo ka falcelineysa malaayiinka doollar ee ay dowladda Soomaaliya kala wareegtay, iyo diyaarad ay si ku meel gaar ah u celiyeen ciidamada Soomaaliya.

Imaaraatka Carabta ayaa tababartay boqollaal askari ah tan iyo sanadkii 2014. Dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna isla bishaas shaacisay inay la wareegeyso bixinta mushaarka iyo tababarka ciidamada.

BBC

Hadalsame Media