Imaaraadka oo Somalia si dadban ugu soo celiyey lacagtii lagu wareejiyey (Arag xeeladdan)

0

(Muqdisho) 19 Maajo 2022 – War kasoo baxay Xafiiska RW Rooble ayaa lagu fasaxay lacag ay Imaaraadku lahaayeen oo ay horay u xayirtay DF Somalia.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay Dowladda Imaaraadka Carabta lacag dhan 9.6 Milyan oo Doollar oo horay looga xayiray,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Xukuumadda.

“Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bishii January ee sanadkan amray in la fasaxo lacagtan oo lagala hakiyay dowladda Imaaraadka sanadkii 2018.” Ayaa la raaciyey bayaanka.” Ayuu raaciyey.

Dowladda Imaaraadka ayaa haddab markiiba soo jawaabtey iyadoo Somalia u fasaxday 35milyan oo dirham oo kaalmo deg deg ah oo wax lagaga qabanayo abaarta.

Lacagtan ayaa si ahaan ugu muuqata in Imaaraadku uu dib usoo celiyey isla lacagtii maanta lagu wareejiyey, waayo 1kii doollar wuxuu joogaa 3.6 Dirham.

Hadalsame Media