ERGO IDMAN: Axmed Madoobe oo dalab CULUS hor dhigay Xasan Sh & jawaabta la siiyey

0

(Muqdisho) 19 Maajo 2022 – Axmed Madoobe oo ergo siyaasadeed bilaabay.

Sida ay cadeynayaan ilo wargal ah Madaxweynaha Jubbaland ayaa shalay la kulmay Madaxweynaha JF Soomaaliya Xasan Sheejh Maxamuud oo ay ka wada hadleen arrimaha ku wajahan wasiirka koowaad ee ay hadda doonayaan siyaasiinta kasoo jeeda Beesha Daaroodka.

Axmed Madoobe ayaa waday fariin ka timi dhinaca Puntland oo ahayd in xilkaas lasiiyo Deni ama siyaasi kasoo jeeda Puntland, oo uu keenidiisa leeyahay Madaxweynaha maamulkaas oo ku guuldareystay in uu hanto kursiga Villa Somalia.

Madoobe ayaa ahaa qofkii Deni kuqanciyey in codadkii wareegii 2-aad loo wareejiyo Xassan Sheekh, iyadoo laga cararayo Farmaajo, taas oo ahayd yoolka ugu weyn ee Deni iyo Madoobe.

Ilo wareedyada ayaa cadeynaya in Xasan Sheekh sheegay in uusan wali bilaabin arrinta Raysal Wasaaraha, dibna looga hadli doono, lana eegi doono kala doorashada musharaxiinta soo dalbanaya jagadan, tixgalina ay jirto, ayna tahay shaqo maalmeed.

W; D: Faarax Cabdulqaadir Max’ed

Hadalsame Media