DEG DEG: Turkiga oo xitaa diidey in la furo araajida Sweden & Finland ee ku biirista NATO

0

(Brussels) 18 Maajo 2022 – Turkiga ayaa hor istaagay xitaa in la bilaabo wada-hadallada NATO ee ku saabsan go’aanka laga qaadanayo Finland iyo Sweden oo doonaya inay ku biiraan isbahaysiga, sida ay Middle East Eye u sheegeen laba ilo-wareed.

Kulan heer Dqnjire ah oo ay NATO Arbacadan ku lahayd magaalada Brussels ee dalka Belgium, Turkiga ayaa ka codeeyey in la bilaabo dooda, sababo la xiriira diidmadooda dalabka labadan dal.

Ilo xog ogaal u ah arrintan ayaa sheegay in Turkigu uu si cad u caddeeyey diidmadiisa ku aaddan ku biiritaanka Finland iyo Sweden ee NATO, wuxuuna ka dhabeeyey sidii uu ballanqaaday.

Finland iyo Sweden ayaa Arbacadan maanta ah si rasmi ah u codsaday inay ku biiraan Gaashaanbuurta NATO.

Yeelkeede, dhammaan 30-ka xubnood ee NATO ku jira waxaa looga baahan yahay nay ansixiyaan ogolaansha dalalka cusub ee soo gelaya ururka si ay ansax u noqdaan oo uu dalabkoodu guulaysto.

Hadalsame Media