Dadka ajnabiga ah ee Twitter-ka oo wada saartay Calanka Somalia & sababta ay uga dan leeyihiin

0

(Hadalsame) 18 Maajo 2022 – MW Maraykanka ee Joe Biden ayaa ku dhawaaqay inuu Somalia u dirayo ciidamo gaar ah oo horay halkaa uu uga saaray MW isaga ka horreeyey ee Donald Trump.

Yeelkeede, bulshada caalamka ayaa arrintan si wayn uga fal-celisey iyagoo 2 arrimood inta badan afka ku haya marka la eego ra’yul caamka.

1 – In Maraykanku uu Somalia ku noqonayo si uu uga fal-celiyo diidmada heshiiska shidaal ee uu Wasiirka Batroolku kaligii galay balse ay diideen madaxda DF Somalia.

2 – Laba-wejiilaynta reer Galbeedka oo Ruushka aad ugu colaadiyey ciidanka uu u diray Ukraine balse aan soo hadal qaadin marka uu Maraykanku dalal badan ku duulo ama ciidamo u diro.

Halkan hoose ka eeg qaar ka mid ah fal-celinta dadwaynaha:

 

Hadalsame Media