Xasan Sh oo qorshaynaya tillaabo wax badan ka tari karta dib u hagaajinta sumcaddiisa

0

(Muqdisho) 17 Maajo 2022 – MW hore ee DF Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa markale noqday MW xiga ee soo socda kaddib markii uu ku guulaystey doorashadii Axaddii ee sida adag loogu hardamay.

Waxyaabaha nidaamkii Xasan Sh lagu xusuusto waxaa ugu caansan musuq lagu eedeeyo oo uu ka ahaa inaan si joogto ah loo bixin jirin mushaharooyinka ciidamada iyo shaqaalaha DF, adeeg dadwaynaba ha joogtee.

Yeelkeede, warar hoose oo haatan soo baxaya ayaa sheegaya in Xasan uu durba dejiyey qorshe uu iskaga dhaqayo eedahaa hore, isagoo aan kaliya qorshaynayn inuu bixiyo mushaharkee doonaya inuu kordhiyo midka ciidanka oo la kordhiyey lana joogteeyey 5tii sano ee MW Farmaajo.

Ciidanka ayaa sal ahaan qaata mushahar dhan 240 doollar, balse waxaa lagu wadaa in lagu kordhiyo 70 doollar qofkiiba si loo gaarsiiyo 300 oo doollar.

Tillaabadan ayaa wax badan sare u qaadi karta sumcadda Xasan Sh haddii ay dhab tahay xogta aan helayno.

Hadalsame Media