Siciid Deni oo 3 ujeeddo oo uu Muqdisho u tegey mid qur ihi uga hirgashay (Laba hungo?)

0

(Hadalsame) 17 Maajo 2022 – GODOB & GUULDARRO – Dhaqaale lagu qiimeeyey $20m ayaa uga baxday doorashadii madaxweynaha.

Saddex yool oo uu lahaa mid baa u mira dhalay.

1 – Saaridda Farmaajo ✔️

2 – Noqoshada Madaxweyne Federal ✖️

3 – Noqoshada RW ama in laga talo galiyo ✖️

Deni waxa uu in muddo ah ku jiray dagaallo kala jiho iyo ujeedooyin ah.

Dowladda Federal laga bilaabo maalintii loo doortay Puntland isma indha buuxin.

Waxa uu diiday in uu doorashadii labada Aqal ee Baarlamaanka JFS si furan loogu baratamo, isaga oo 97% mas’uuliyiinta hadda mansabyadaas ku fadhiya in uu si gaar ah u soo magacaabay.

Waxaa xanuun iyo uur ku taallo ku reebtay in dadkii uu colka ku sameystay ay intooda badan cidla uga dhaqaaqeen markii ay heleen kaararkoodii aqoonsiga xildhibaanimo.

Tusaale waxaan u soo qaadanayaa Sareedo Jeyte oo uu ku soo magacaabay kursi aysan beel ahaan u lahayn (Aqalka Sare), Senator-rada waxa ay isku Seegeen HAN iyo ha is sharrixin! Xilligaas, isaga oo quud aan jirin u bira tumanaya.

Timacade oo uu soo siisay kursi beel kale laga dhacay (Aqalka Sare), u gacan qabtay Axmed Karaash markii ay joogtay magacaabidda wasiirka Warfaafinta ee Puntland ayaa isna har cad dhabar u jeediyey.

Timacade, qudhiisa waxa ay isku seegeen tabtii Sareedo Jayte.

Siciid Deni waxa uu isku dayey in uu saxaada siyaasadda ka suuliyo rugcadaayadii gobolka, kuwaas oo uu qaar ka mid ah si foolxun uu ula dhaqmay. Waxaa ka mid ah Cumar Cabdirashiid, Cabdiweli Cali Gaas, Duran Faarax, Maxamuud Xayyir, Da’uud Bisinle, Jamal Maxamed Xassan, Canab Xassan Jaamac, Maxames Cabdirisaaq iyo qaar kale oo badan.

Waxaan in muddo ah se la ilaawi doonnin halkii uu mariyey waayo araggii iyo khabiirkii weynaa ee Jurille.

JABKII TEENDHADA

Sida ilo xog ogaal ah ay tibaaxeen, $20 milyan ayaa lagu qiimeeyey lacagtii ka baxday mudaddii bisha ka yareyd ee uu Teendhada ag daganaa! Hase yeeshee, subixii Isniinta waxa uu la soo laabtay guuldarro indheer garadka u sawirneed iyo qalbi jab.

DAMACIISA RW

Deni is afgarad doorashada kahor lama galin madaxweynaha dooran, Xassan Shiekh Maxamuud, wareeggii kowaad uma tanaasulin ilaa qeybtii saddexaad oo uu waqtigu reebay.

Garasho XSM mooyee, kuma laha abaal uu ku siiyo RW.

Ma dhici kartaa in HSM tixgaliyo qof uu keenay Deni? Dabcan, haddii MD dooran hawtul hamag in uu ku dhoco diyaar u yahay HAA, balse haddii uu doonayo xukuumad ku shaqeysa siyaasadiisa waa MAYA.

Guusha iyo guuldarraba waa loo ragee, godob, guuldarro iyo garowe oo loo guur guurto.

W; Q: Maxamed Kaafi

Hadalsame Media