Nin ka mid ah ragga ka bariiseeya burburka Somalia oo sawir xun ka bixiyey MW Farmaajo

0

(Hadalsame) 17 Maajo 2022 – Matt Bryden oo ka mid ah ragga ka bariiseey burburka Somalia (war profiteers), ayaa bartiisa Twitter-ka ku xarriiqay qoraal kooban oo uu ku muujinayo sida uu ula dhacsan yahay in Farmaajo ka tegey xafiiska dalka ugu sarreeya.

Bryden oo si furan uga shaqeeya kala go’a Somalia islamarkaana aad ugu wiirsada Soomaalida oo aanu sina u kala jeclayn, ayaa soo qoray kelmado af Soomaali ah oo caan ah isagoo leh: ”Dhegdheer dhimatay, dhulkii waa nabad!”.

Dhegdheer, waa sheeko xariiro Soomali ah oo male-awaal ah, oo ku saabsan islaan dad qalatannimo lagu sheego oo carruurta lagu cabsiiyo, taasoo uu markan ku misaalayo MW xilka ka degaya ee Farmaajo.

Hadalsame Media