Maadaama ay Milan & Inter midkoodba koobka qaadi karto sidee loo bixinayaa abaalmarinta? (Go’aan soo baxay)

0

(Hadalsame) 17 Maajo 2022 – Waxaa Axadda lagu kala baxayaa hanashada Horyaalka Talyaaniga oo ay sanadkii 2-aad oo xiriir ah ku hardamayaan kooxaha Milanese-ka ah ee Inter iyo AC Milan.

Labada kooxood ayaa kala leh 83 iyo 81 dhibcood iyadoo ay Milan hal dhibic u baahan tahay maadaama ay Inter uga roon tahay dhanka wajahaadda oo ay 4 ka qaadatay.

Waxaa haddaba la isku haystaa sida abaalmarinta loo bixinayo maadaama ay labada kooxi ku kala dheelayaan Milano iyo Sassuolo.

La Repubblica ayaa se qoraya in Lega Serie A ay diyaarisay 2 abaalmarinood oo la kala gaynayo Mapei Stadium iyo San Siro si kooxdii koobka qaadda loogu siiyo garoonka ay joogto.

Hadalsame Media