DARAAMIHII DOORASHADA: Hindise ay isku fahmi waayeen MW Farmaajo & Fahad intii ay doorashadu socotey

0

(Hadalsame) 17 Maajo 2022 – Waxaa Axaddii lagu kala baxay doorashada madaxtinnimada DF Somalia taasoo uu kusoo baxay MW hore ee Xasan Sheekh Maxamuud, balse ma yarayn is gedgeddiska iyo daraamaha dhacay intii ay socotey codayntii maaratoonka ahayd.

Mid ka mid ah waxyaabaha la hadal hayo waxaa ka mid ahaa in nin ka mid ah madaxda Maamulladu uu agaasimey u codaynta 3 musharrax oo kala geddisan oo ka mid ah raggii goobta ku hardamayey.

Yeelkeede, midda aannu yara dul istaagaynaa waa arrin ka dhex dhacday MW xilka ka degaya ee Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo ay turub siyaasadeed oo uu rogey ay isla garan waayeen Farmaajo sida ay xogtu sheegayso.

Farmaajo ayaa walow la hoggaaminayey misna ka mid noqday 4 tartame oo iskugu soo haray wareegga 2-aad ee doorashada, iyadoo ay wehlinayeen Xasan Sh., RW hore ee Khayrre iyo Deni.

Markii ay halkaa maraysey ayaa la sheegay in Fahad Yaasiin uu Farmaajo kula taliyey inuu ka haro doorashada oo codadka lagu wareejiyo Xasan Cali Khayrre oo ay horay iskugu fahmi waayeen doorashada, waxaana la sheegay inay arrintaa Fahad ku raaceen Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo xildhibaanno N&N ah.

Ha yeeshee, waxaa taa si wayn uga gilgishey Farmaajo oo ku adkaystay inuu tartamayo, wararka qaar ayaa xitaa sheegaya inuu ku xanaaqey Fahad Yaasiin, taasoo keentay inuu tartamo ilaa markii dambe uu la kulmo ”wa shamsi siyaasadeed” oo kaga yimid musharrixiintii wareegga 2-aad ku haray ee Khayrre & Deni oo codadkoodii ku wareejiyey Xasan Sheekh.

Hadalsame Media