Tigreega oo ka hadlay sida ay u arkaan doorashada Xasan Sh. & hoggaamiye ay ku digteen

0

(Hadalsame) 16 Maajo 2022 – Afhayeenka jabhadda TPLF ee Tigreega, Getachew K Reda ayaa ka hadlay sida ay u arkaan doorashada Somalia.

Afhayeenka ayaa u muuqanayey mid ku diganaya MW Eritrea ee Isaias Afworki oo ay Farmaajo aad iskugu dhowaayeen loona arko ninka siiyey talooyin badan oo shaqayn kari waayey.

“Haddii waxa ka dhacay #doorashada Somalia2022 ay yihiin tilmaame, hamigii #IsaiasAfworki ee Geeska Afrika si go’an ayuu u rogmadey. Aan aragno waxa berri dhici doona! #Tigreegu waa guulaysan Doonaa!” Ayuu soo qoray Afh. TPLF.

Si kastaba,  MW dooran ee Xasan Sheekh ayaa xalay markii 2-aad noqday MW Somalia kaddib markii uu codad badan uga adkaaday MW Farmaajo si uu u noqdo MW 10-aad ee dalka.

Hadalsame Media