Tigreega oo iyaga oo duraya siyaasadda Somalia bayaan rasmi ah kasoo saaray doorashada Xasan Sh. (Maxay doonayaan?)

0

(Maqalla) 16 Maajo 2022 – Maamulka Tigreega ayaa hambalyo rasmi ah u diray MW dooran ee DF Somalia, Xasan Sh. Maxamuud oo xalay lagu doortay Teendhada Afisyooni.

TPLF ayaa doorashada Xasan Sheekh oo ay ku tilmaantay mid “taariikhi ah” soo dhoweysey nidaamka cusub iyagoo siyaasadda Somalia ku tilmaamay mid aan fadhin (volatile).

Waxay sidoo kale ku farxeen dhicitaanka MW Farmaajo oo ay ku sheegeen mid xasillooni darro siyaasadeed ku hayey Geeska Afrika, sida ay qoreen.

Waxay TPLF bayaankooda ku xuseen inay iskaashi la yeelan doonaan DF Somalia si loo dhaliyo xiriir wanaagsan oo ka dhex dhaca labada dhinac, taasoo ka dhigan inay isu arkaan maamul ka gaar ah DF Itoobiya.

Hadalsame Media