Saxaafadda caalamka oo isku raacday 2 arrimood oo ay ku cilladaynayso doorashada Somalia

0

(Hadalsame) 16 Maajo 2022 – Waxaa xalay dhacday doorashadii muddada dheer loo shinka tirinayey ee DF Somalia, taasoo uu kusoo baxay MW dooran ee Xasan Sheekh oo xalay markii 2-aad noqday MW Somalia, kaddib markii uu codad badan uga adkaaday MW Farmaajo si uu u noqdo MW 10-aad ee dalka.

Yeelkeede, warbaahinta dunida ayaa aad u hadal haysa hal arrin oo ku saabsan doorashada cilladaysan ee ay Somalia mudadda dheer uga gudbi la’dahay midda saxda ah ee qof iyo cod waana tirada musharrixiinta faraha badan ee aan isreebreeb-horaadka lahayn iyo tirada xildhibaannada kala xusha.

African News ayaa sameeyey sheeko uu cinwaan uga dhigay; ”39 musharrax oo rikoor jebis ah oo u taagan doorashada madaxtinnimada Somalia,” isagoo la yaabban tiradooda badan.

The Star ayaa isna qoray; ”Somalia waa dal ay 329 qofi wax doortaan,” isagoo dabcan duraya qaabka doorashada loo agaasimo, waxaa sidoo kale qaabkan durtay BBC News.

Madaxda Somalia ayaan inta badan qaadin tillaabooyin wax ka bedelaya waxyaabaha aadka daruuriga u ah si dalku uu horay ugu socdo sida in ammaanka la xaqiijiyo, in nidaamka la baahiyo cadaaladdiisana la ilaaliyo, in dastuurka la dhamaystiro iyo in ummadda adeegyo asaasi ah la gaarsiiyo.

Hadalsame Media