Sababta ay dadku ula yaabban yihiin bandhigga uu Khayrre ka sameeyey doorashada (Talo ku socota Xasan Sh)

0

(Muqdisho) 16 Maajo 2022 – Khayrre waxa uu doorashada galay isagoo xambaarsan dan soomaaliyeed, lana ogyahay in xilligaan aanay Soomaalidu u bislayn fahamka siyaasadda ku dhisan Soomaalimnimada.

Soomaalinnimada waxaa ka xoog badan qabyaaladda & kooxaysiga. Khayrre si kastaba waa laga dhaadhacsiin waayey in uu isticmaalo kaarka qabyaaladda & kooxaysiga si uu guul ugaaro, waxa uuna galay dagaal isbadaldoon ku dhisan Soomaalinnimo, waxaa sina ugu cuntami waydey isbahaysiyada kooxaha ee ku dhisan danaha gaarka ah.

Doorashadii xalay soo idlaatay waxa uu dagaal siyaasadeed kaligiis kaligii la galay kooxahaas, waxa uuna gilgiley quluubtooda, intii ololuhu socdey waxba looma reeban Khayrre haday ahaan lahayd in loola dagaalo shakhsi ahaan & siyaasad ahaanba, waxaa lagu qaaday dagaal ay horkacayeen siyaasiyiin bannaanka la taagnaa qabyaaladda & wax walba oo sumcad xumayn ah oo ay khayrre u gaysan karaan si uu doorashada uga haro.

Isbahaysiga Siciid Deni, Dam Jadiid iyo Axmed Madoobe oo dhinac ah si adag ayuu Khayrre meel u saaray, waxaase dagaalka kusoo biiray Himilo Qaran oo saaxiib la ahayd Khayrre taasoo codadkii u leexisey dhan kale iyadoo aan Khayrre siin, balse la tuhunsan yahay in ay u qaybiyeen laba jiho oo kale, balse seddaxda isbahaysi ee hore ee Siciid deni, Dam Jadiid iyo Axmad Madoobe waxa uu Khayrre tusay in uu u babac dhigi karo.

Dhanka kale, kooxda N&N oo ay Khayrre horay isugu khilaafeen damaca muddo kororsiga ayuusan Khayrre la yeelan wax xulufaysi ah kaddib markii ay usoo bandhigeen xulufaysi iyo shuruudo ku dhisan dano gaar ah, taasina waxay keentay in dagaalku uu 4 jiho uga socdo kuwaasoo kala ah: Dam Jadiid, Deni, Axmed Madoobe & MW Farmaajo.

Waxaa hubanti ah haddii Khayrre aqbali lahaa shuruudaha N&N si uu ula yeesho xulafaysi siyaasadeed in ay adkaan lahayd guusha mucaaradku gaarey gaar ahaan kooxdii Xassan Sheekh.

Waxaan aad ugu faraxsan ahay in khibrad siyaasadeed oo dhanka ololaha siyaasadda ka kororsaday intii aan ku jirey ololaha & saadaasha siyaasadda, waxaan kaloo ku faraxsan ahay in aan difaacay siyaasadda Soomaalinimada ku dhisan ee Xassan Cali Khayrre.

Hubanti Khayrre si kastoo loola dagaalay hadana waxa uu ilaalinayey wadajirkii mucaaradka oo afkiisana way ka nabad galeen ugu dambayntiina waxa uu cododkiisii ku garab istaagey Madaxwaynaha dooran ee Xassan Sheekh Maxamuud.

Tusaale ahaan, 47-dii uu Khayrre helay wareeggii koowaad badankood waxay aadeen Xassan Sheekh, halka 16-ka xubnood oo Khayrre kusoo darsoontay wareeggii labaad ku laabteen halkii ay awal kasoo safreen.

Waxaan hambalyo udirayaa Madaxwaynaha la doortay ee Xassan Sheekh Maxamuud oo ah nin nabaddoon ah kuna fiican dhanka isku xirka Soomaalida, si gaar ah Maamullada ka dhisan dalka iyo Dowladda Dhaxe, waxaana rajaynayaa in Madaxwayne Xasan Sheekh wax wayn ka kororsaday dhaliilaha uu lahaa maamulkisii hore & dadka u sababta ahaa in shacabku dhaliilo.

Waxaan rajaynayaa in uu wax wayn ka badali doono siyaasaddii uu horay ugusoo maamulay dalka il gaar ahna ku eego xubnaha xisbigiisa ka tirsan ee dadka ku abuura nacaybka qabyaalaadda & faquuqa siyaasadeed.

Ugu dambayn waxaan Cafis kadalbanayaa intii aan garaafo yar u gaystay inta aan ku jirey ololaha, taasna igama ahan cabsi mana jirto wax aan ka baqayo oo waxaan dhaliilayey nidaamkii Farmaajo ee laga wada baqayey anigoo ah shaqaale dowladeed oo dadka ila midka ah badankood baqayaan, wax walba oo wanaag ah waan ku taageeri doonaa Madaxwayne Xassan Sheekh waxii khalad aan u arkana waan ku dhaliili doonaa.

W; Q: Ibraahim Cawaale

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku xusan oo qura

Hadalsame Media