Ruushka oo hub mamnuuc ah oo qofka karinaya ku ridey dalka Ukraine (Daawo)

0

(Mariapul) 16 Maajo 2022 – Ciidanka Cirka Ruushka ayaa la arkay iyagoo Ukraine u adeegsanaya qaraxyo ay ku jirto macdanta ka kooban curiyaha Phosphorous ee mamnuuca ah.

Waxaa lasoo duubay muuqaallo laga arki karo Ruushka oo wershadda birta shubta ee Mariapul ku hoobinaysa qaraxyo ay maadadaasi ka buuxdo.

Qaraxan ayaa dabka holcaya oo aan kala joogsi lahayn sidii roobkii ugu di’inaya goobta bartilmaameedka ah taasoo keenaysa in qofka uu nool uu gudaha ka shiilmo si xanuun badan.

Hubkan mamnuuca ihu waxa uu sababi karaa gubasho heerka afraad iyo shanaad ah oo waxyeello daran gaarsiiya maqaarka, murqaha, seedaha, tafaqyada, neerfaha, xididdada dhiigga, iyo xataa lafaha. Gubashada waxay kaloo u horseedi kartaa caabuq iyo shoog daran.

Saraakiisha Ukraine ayaa soo gudbiyey muuqaalladan ay Ruushku ku beegsanayaan wershadda iyagoo adeegsanaya bamba 9M22S oo ka samaysan phosphorus taasoo wada heerkul ka badan bar-karka biraha oo kor u dhaafaya 2,500C.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media