Khayrre oo xalay asxaan u sameeyey Xasan Sh. waa inuu asxaan kale u sameeyaa inta lagu jiro muddo-xileedkiisa

0

(Muqdisho) 16 Maajo 2022 – Waxaa xalay Somalia markii 2-aad xilka madaxtinnimada kusoo baxay MW Dooran ee Xasan Sh. Maxamuud kaasoo wareegga ugu dambeeya uga badiyey MW xilka ka degaya ee Farmaajo.

Waxaa haddaba dadkii tartamayey kuwii ugu firfircoonaa ka mid ahaa RW hore ee dalka Xasan C. Khayrre oo isagu ku haray wareegga 2-aad, balse sida muuqata wareeggii ugu dambeeyey codadkiisa siiyey Xasan Sh. Maxamuud.

Haddaba, maadaama ay taasi tahay axsaan siyaasadeed oo uu kaga roonaaday Xasan Sh. oo inta badan ololihiisii siyaasiga ahaa u adeegsadey in la maago Xasan C. Khayrre oo aan isagu tillaabo taas u dhiganta qaadin, ama ugu yaraan dhaqankaa ay taageerayaashiisu ku beegsanayeen ogolaaday, waxaa laga doonayaa inuu u sameeyo axsaan kale.

Dowladnimadu waa waxa qura ee ay Somalia wax ku noqon karto inay guulaysatana waxaa uu ribix ugu jiraa qof kasta oo Soomaaliyeed waloow ay marar badan dhacdo in aan si maangaabnimo ku dheehan tahay u wajahno dowladnimada oo ay siyaasiyiinta isku adkaynta dhexdooda ihi kala waynaato ujeedkii guud ee dowladnimada oo ah ilaalinta danta iyo dalka.

RW Xasan C. Khayrre wuxuu u muuqdaa nin leh han iyo himilo siyaasadeed oo ku salaysan in dalka wax loo qabto waloow uu dabcan khaladaadna leeyahay, sidaa darteed, waxaa u wanaagsan inuu iska galo suuris siyaasadeed (hibernation) inta lagu jiro muddo-xileedka xukuumadda iminka dhalan doonta ee uu hoggaaminayo RW lasoo magacaabi doono, isagoo soo noqon kara marka uu sanad qur ihi ka harsan yahay muddo-xileedkeeda ee olole siyaasadeed iyo doorasho loo jihaysan yahay, waa haddii uu doonayo inuu mar kale isa soo sharraxo e, si ka duwan inuu faraqa ku dhego oo ka daba qayliyo xukuumadda oo ay sidaa sumcaddiisu ku dhaawacanto.

Waxay taasi ka dhigan tahay inuu qaadayo tillaabo ka duwan middii ay qaadeen isla Xasan Sh. & Sheekh iyo Sheekh Shariif oo inta badan iyagoo mucaarad ah la xuslinayey xukuumadda haatan xilka wareejinaysa, taasoo waloow aysan dembi ahayn misna laga yara qurux badnaa in rag madax dal soo noqday ay faraqa ku dheganaadaan oo 24 saac ka daba qayliyaan nidaamkii iyaga bedeley.

In fursad ay ku neefsato kuna fikirto la siiyo xukuumaddu waxay caawinaysaa inay gaarto go’aamo wax ku ool ah misna waaqici ah, iyadoo tamartii ay ku dhumin lahayd arrimo kale u adeegsanaysa wax u qabashada dalka.

Dabcan micnuhu ma aha inaan dowladda la mucaaradaynin, laakiin waxaan ula jeedaa mucaaradnimada faraq ku dhegga ah ee maalinta 1-aadba lala daba gelayo xukuumadda islamarkaana aan waxba xeernaynin ee shisheeye iyo cid kasta loo kaashanayo. Sidoo kale, qofka xil sare dalka kasoo qabtay sida MW, RW, GB ama Danjire usoo noqday waa inuu ka yara khashaafaa waxyaabaha qaar.

Noocaasi ma aha mucaaradad waana waxa nala haray.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media