Ciidamada Ruushka oo la duubay iyagoo niman waardiye ah inta sigaar ka qaataan kaddibna tooganaya + Video

0

(Hadalsame) 15 Maajo 2022 – BBC & CNN News ayaa soo saartay muuqaal laga arkayo Ciidamada Ruushka oo xabadaynaya laba qof oo waardiye rayid ah oo reer Ukraine ah oo meel ilaalinayey.

Waxay marka hore soo istaagayaan xayndaabka dhismaha iyadoo ay u tegayaan laba nin oo mid lagu magacaabo Leonid Pliats oo la hadlayo askarta.

Sida muuqata oo laga arkayo kaamirada ammaanka ee CCTV waloow aan codka labada dhinac la maqlaynin misna waxay u wada hadlayaan si caadi ah iyagoo xitaa sigaar isla cabaya, balse in yar kaddib waxaa soo noqonaya laba askari oo rasaas ku furaya labadii nin.

Leonid oo ah oday 65-jir ah ayaa deeto waxaa soo wacay mutadawiciin la kala yiraahdo Sasha iyo Kostya oo loo xil saaray inay soo qaadaan dhaawacaya Leonid Pliats waxayna qaadeen jidwaynaha E40 oo ah mid halis badan, balse markii ay u dhowaadeen goobta uu odaygu ilaalinayey oo ah dukaan lagu iibiyo baaskiillada iyo mootooyinka waxay ogaadeen inay weli joogaan Ciidamada Ruushku.

Isaga ayay la hadleen si ay niyadda ugu dejiyaan oo u sheegaan inay usoo socdaan, balse si aad ah ayuu u dhiig baxayey, markii dambe ee ay goobta tageenna waxay kor tageen maydkiisa isagoo dhaawacii u dhintay.

Sawirka Leonid

Hadalsame Media