”Sidaas ma dhihin!” – Ukraine oo kashiftay dal wayn oo NATO ka tirsan oo ku haya cadaadis u dan ah Ruushka & dalkii oo soo jawaabey

0

(Kyiv) 14 Maajo 2022 – Madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaan “waligiis” waydiisan dhiggiisa Volodymyr Zelensky inuu sameeyo heshiisyo dhuleed si loo soo afjaro khilaafka socda ee kala dhexeeya Ruushka, taas oo ka soo horjeedda hadallada hoggaamiyaha Ukraine, sida ay ku adkaysatay Madaxtooyada Faransiiska ee Elysee oo soo jawaabtey.

Intii lagu guda jirey wareysi uu Khamiistii lala yeeshay Rai 1, Zelensky ayaa wuxuu ku eedeeyey Macron inuu soo jeediyey in dadaal “la sameeyo si loo helo waddo uu ku baxo Ruushku” oo dagaalka Ukraine uu u istaago.

“In naloosoo jeediyo inaan ka tanaasulno qayb ka mid ah madax-bannaanideenna si aan u badbaadino [wejiga Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir] Putin uma eka mid sax ah oo ka iman karta hoggaamiyeyaasha qaar,” ayuu yiri MW Ukraine.

Madaxtooyada Faransiiska ayaase ka jawaabtey sheegashadaas, iyadoo ku adkaysatay in Macron aanu “waligiis wax tanaasul ah ka codsan Zelensky. Waxa uu had iyo jeer sheegayey inay taasi ku xiran tahay Ukrainiyiintu inay go’aan ka gaaraan shuruudaha wada xaajoodka ay la leeyihiin Ruushka,” ayay tiri Elysee.

Macron ayaa weli ah mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha reer Galbeedka ah ee aadka u yar ee sii wada wada-hadallada tooska ah ee Putin tiiyoo ay jirto colaadda Ukraine. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sidoo kale ku adkaystay in la kordhiyo cunaqabataynta ka dhanka ah Moscow, oo ay ku jiraan xaddidaado adag oo ku saabsan tamarta Ruushka, waxaana uu oggolaaday in shixnado badan oo hub ah loo daabulo Kiev.

Hadalsame Media