Turkiga oo si wanaagsan u sharraxay sababta uu ku diiddan yahay in Sweden & Finland ay NATO kusoo biiraan

0

(Istanbul) 14 Maajo 2022 – Madaxwaynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in aysan suurtagal ahayn in Ankara ay taageerto Sweden iyo Finland inay ku biiraan xulafada millateriga ee NATO kaddib duullaankii Ruushka ee Ukraine, taasoo muujineysa suurtagalnimada caqabad ku fooggan qorshaha labada waddan ee doonaya ku biirista gaashaanbuurtan.

Isagoo suxufiyiinta kula hadlayey Istanbul Jimcihii, Erdogan ayaa sheegay in Turkiga, oo mid ah NATO, aysan “aragti wanaagsan” ka lahayn dhaqdhaqaaqyada wadamada Scandinavian-ku ay ku doonayaan xubinnimada, isagoo ku eedeeyay inay yihiin “guryaha martigelinta ururada argagixisada ah”.

“Dalkeenna suurtagal uma aha inay tillaabadan garab istaagaan,” ayuu yiri, isagoo aan bixin wax tafaasiil dheeri ah, isagoo sheegay inay khalad ahayd in Giriigga dib loogusoo daro NATO 1980-kii.

Turkiga ayaa si isdaba joog ah u dhaleeceeyey Sweden iyo wadamada kale ee Galbeedka Yurub sida ay ula dhaqmayaan ururrada ay Ankara u aragto “argagixisada”, oo ay ku jiraan xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK) iyo unugyada ilaalinta dadka Kurdida ah ee Suuriya (YPG), iyo sidoo kale kuwa raacsan Fethullah Gulen oo ah caalim fadhigiisu yahay Maraykanka.

Ankara ayaa sheegtay in Gulenistyaashu ay fuliyeen isku daygiii afgambigii sanadkii 2016-kii. Gulen iyo taageerayaashiisa ayaa beeniyay eedeyntaas.

Arrintan ayaa caqabad ku noqonaysa labadan dal ee reer woqooyiga Yurub ah, waayo si ay NATO ugu biiraan waa in 30-ka dal ee haatan xubnaha ka ah oo dhami ay aqbalaan, taasoo dal kasta siinaysa fursad uu VETO ku saaro xubinnimadooda, balse Turkiga ayaa muujiyey in laga yaabo in tillaabadan ay kaliya u adeegsanayaan fursad ay farriin ugu diraan labadan dal.

“Ma xirayno albaabka. Laakin waxaan qabnaa walaac ku ku saabsan amniga qarankeenna Turkiga sida iyaguba u qabaan amni qaran.” ayuu goor dhowayd yiri Ibrahim Kalin, oo ah La Taliyaha Madaxweynaha ee siyaasadda dibedda, oo la hadlayey Reuters oo waraysi kula yeelatay Istanbul.

 

Hadalsame Media