”Waxaan ka aragnaa halis caalami ah” – Ruushka oo kasoo horjeestey arrin uu markii hore u ogolaa Ukraine

0

(Hadalsame) 14 Abriil 2022 – Moscow ayaa dib u eegis ku sameysay mawqifkeedii ku aadanaa dalabka Ukraine ee ku aadan ka mid noqoshada Midowga Yurub sababtoo ah ururkan oo markii hore uu ujeedkiisu mid dhaqaale ahaan jirey ayaa hadda noqday isha siyaasad cadaawadeed oo caalami ah leh, sida uu qabo Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka, Sergey Lavrov.

Waxa uu sharraxayey sababta waddankiisa oo markii hore ogolaa suurtagalnimada rajada ahayd in Ukraine ay xubin ka noqoto ururka EU, uu hadda dib uga noqday go’aankaasi.

Lavrov ayaana haatan sheegay in ku biirista Kiev ee Midowga Yurub ay halis ammaan oo ka ballaaran sidii ay markii hore filayeen ay ku noqonayso nidaamka Moscow.

“Midowga Yurub waxa uu ka jeesanayaa qaabkii hore oo ahaa urur dhaqaale oo wax ku ool ah oo horumar markii hore loogu talo galay wuxuuna wadaa inuu noqdo xagjir leh hammi ka durugsan xitaa qaaradda Yurub.” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushku.

Hadalsame Media