”May hubkaa ma siinayno!” – Maraykanka oo Ukraine uga dhaartay hub istaraatiji ah oo ay ka filayeen balse bixiyey jawaab tuhun kale gelinaysa Ruushka

0

(Hadalsame) 12 Abriil 2022Ma jirto “wax su’aal ah” oo ku saabsan in Maraykanku uu hub nukliyeer ah siinayo Ukraine, ayay tiri Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Karen Donfried oo ka qaybgashay dhageysiga Senate-ka Khamiistii. Si kastaba ha ahaatee, si cad meesha ugama saarin inay Maraykanku gaysan karaan weerar nukliyeer ah oo aan looga horreeynin (first strike).

“Maraykanku qayb kama aha dagaalkan,” ayay tiri Donfried oo la hadlaysey sharci-dejiyayaasha intii lagu guda jirey dhageysiga Guddiga Xiriirka Dibedda ee Senate-ka, isaga oo intaa ku daray “Maraykanku wuxuu taageero amni iyo hub siiyaa Ukraine, laakiin ma jirto su’aal ah in Maraykanku siinayo hub nukliyeer ah.” ayay raacisay.

Donfried lama waydiinin in Maraykanku uu hubkan halista ah u hadiyadayn doono Kiev iyo in kale. Taa baddalkeeda, Senator Ed Markey, oo ah Dimoqraadi metela gobolka Massachusetts, ayaa ku cadaadiyey  in ay si cad u sheegto in Maraykanku “uusan doonaynin in uu khatar jiritaan ku noqdo” Ruushka, oo aanu noqon doonaynin inuu isagu hor rido hubka nukliyeerka.

Donfried si toos ah ugama jawaabin labada su’aaloodba, iyadoo ku adkaysatay in Maraykanku aanu si toos ah uga qayb qaadanayn iska horimaadka Ukraine, sidaas darteedna uusan dagaal kula jirin Ruushka.

Ruushku, si kastaba ha ahaatee, wuxuu u arkaa Maraykanka inuu ka qayb qaadanayo iska horimaadka sababta oo ah wuxuu sahay hub ah iyo sirba siinayaa Kiev. Wasiirka Arrimaha Dibedda Sergey Lavrov ayaana horay ugu eedeeyey Washington iyo xulufada NATO inay “run ahaantii la dagaallamayaan Ruushka iyagoo adeegsanaya dagaal wakaaladeed iyo hubaynta wakiilkaas,” halka Madaxwayne Vladimir Putin uu ku hanjabey “jawaab u dhakhso badan sida hillaaca” looga jawaabaya faragelin kasta oo dibedda ah oo halis jiritaan iyo mid ammaan gelinaysa qaranka dalkiisa.

Hadalsame Media