DAAWO: Dadwaynaha oo si wayn uga fal-celiyey booqasho ay Puntland ku tagtay Sabriina Dhoorre

0

(Hadalsame) 14 Maajo 2022 – Gabadha Soomaalida ah ee Sabriina Dhoorre oo la joogta jilaaga caanka ah ee Idris Alba ayaa booqasho ku tagtay Gobolka Mudug ee dalka Somalia, gaar ahaan degaanka Buur Saalax oo ka tirsan Puntland.

Sabriina ayaa deeto booqatay iskuul maxalli ah oo degaanka ku yaalla halkaasoo lagu soo rigeeyey arday yar yar oo iskugu jira wiilal iyo gabdho ay halkaa kula kulantay.

Ha yeeshee, dadwaynaha ayaa fal-celinno diidmo u badan ka bixiyey booqashada Sabriina, iyagoo wax aan sax ahayn ku tilmaamay in dugsi ay ilmo yar yar dhiganayaan la geeyo qof ka bayrsan dhaqanka iyo diinta, maadaama ay ilmaha yar yari sax u arki karaan hab-nololeedkeeda.

Diin baynu haysannaa , shuruuc iyo xeerar bayna ku socotaa , xeerarkaasina ma ogola in gabari nin gaala guursato,” ayuu ku dooday Cusmaan Bayle.

Gebi ahaanba ma haboonayn in gabadhan carruurtaa la hor geeyo,” ayuu yiri Yaasir Max’ed Jeelle.

Subxaan Allaah deganka qof walba waa soo gelayaaa,” ayay soo qortay Marwo Xafsa Warsame.

”Qabiilku inuu diinta nagala wayn yahay ayay caddayn u tahay doodda halkan ka socota,” ayuu yiri Casaawe Faarax oo u jawaabayey dhowr qof oo difaacayey Sabriina.

War meeshu yaanay Abaarsadii labaad noqone iska erya qofta,” ayuu soo jeediyey Cabdicasiis Muuse.

”Soomaali lacag darteed xataa diintooda waa gadan karaan,” ayuu yiri Max’ed Cali.

Hogaa! War waxa ilamaha ka dhex saara!” ayuu yiri Max’ed Soomaali.

Si kastaba, waxaa sidoo kale aragtiyaha dad badan ka muuqanaysa in dhaqankii laga sii tegayo oo ay dad badan diinta iyo dhaqanka kala culus yihiin waxyaabo kale oo aan micne wayn lahayn sida kharash, qabyaalad iwm.

Hadalsame Media