”Waxay daba socdeen kiis culus balse midna magaalada ayaa lagu diley midna…” – Muxuu salka ku hayn karaa dagaalka Ukraine?!!

0

(Hadalsame) 13 Maajo 2022 – Guud ahaan hubka laysu adeegsado dagaallada waa kuwo kala duwan. Kuwooda ugu khatarsan waxaa kamid ah dagaalka dhaqaalaha. Xilligan uu dunida ka hirgalay barnaamijka carri-edegeynta (Globalization), iyada oo la eegayo awoodaha kala duwan oo loo adeegsan karo dagaalka, ayaa awoodda dhaqaale waxay noqotey agabka ugu kgatarta badan oo lagu kala adkaado. Taaktikada loogu dalaammo dagaalkan dhaqaalaha waa mid noocyo badan. Waxaa kamid ah go’doomin dhaqaale (Economic Siege), cuna-qabatayn dhaqaale (Economic Sanction), qaadacaad (Economic Boycott), duullaan dhaqaale (Economic Invasion) iyo abuur qalalaase dhaqaale (Creating Economic Crises). Tani waxay dhaqaalihii ka dhigtey mid la awood ah hubkii laysugu xoog-sheeganayay xilliyada colaadda.

Waxaa hubaal ah in dagaalka Ukraine uu ku guda-qarsoon yahay dagaal dhaqaale ee u dhexeeya Mareekan iyo Ruush. Haddaanu dib ugu yara-laabanno goorta ay bilaabatay sheekada xiisaha leh ee dagaalkan dhaqaalaha ah, waxay ahayd bishii juun, sanadkii 2012-kii. Goortaasi waxay ahayd markii ugu horeysey oo Mareekanku uu cuna-qabataynta ku bilaabay Ruushka. Markaas oo guddiga arimaha dibadda ee Maraykanka ay u gudbiyeen xildhinaanada kongress-ka in ay ka doodaan ansixinta xeer ay ku magacaabeen (Sergei Magnitsky Act). Sharcigan oo ay ansixiyeen xubnihii koongreska ayaa ujeeddadiisu wuxuu ahaa in la ciqaabo siyaasiyiinta Ruushka ee masuulka ka ahaa geerida nin Ruush ah oo la yiraahdo Sergei Magnitsky (1972 – 2009). Isagu wuxuu ahaa qareen iyo xisaab-yahan cashuureed oo dhalashadiisu ay aahayd Ukrain – Ruush. Wuxuu ku takhasusey kana shaqeynayay la dagaallanka musuqa nadaamka dhaqaale iyo laaluushka. Isagu wuxuu soo bandhigey nusuq-maasuq iyo xatooyo ba’an oo ka dhex-socda gudaha hay’adaha maaliyadda ee dowladda, taas oo ay ku kacayaan masuuliinta dalka.

Sergei Magnitsky oo ah ninka lagu magacaabay xeerka (Magnitsky Act) wuxuu ahaa nin u shaqaynayay shirkad qareen oo magaceedu ahaa (Firestone Duncan). Shirkadda waxaa magaalada Moosko ka furtey laba dhallinyaro oo Mareekan ah. Iyagu waxay kamid ahaayeen ganacsato badan oo ku soo yaacay dalka Ruushka si ay uga faa’iideystaan fursadaha ganacsi ee ka soo kordhey dalkan, kadib markii uu is-beddeley nadaamkii shuuciga ahaa (Communism) oo la fasaxay nadaamka gaar u-lahaanshaha hantida (Capitalism). Labada dhallinyaro oo Mareekanka ah waxay kala ahaayeen Jamison Duncan iyo Terry Duckan. Shirkad qareen oo magaceeda la yiraahdo (Firestone Duncan) ayay Moosko ka furteen dabayaaqada sanadkii 1991-kii, xilligaas oo dowladdii shuuciyadda ku dhisneyd ee Midowga Soofyeeti ay bur-burtey. Dalku wuxuu galay mushkilad dastuuri ah.

Maalintii ay taariikhdu ahayd 3/ 10- 1993-kii, waxaa magaalada Moosko madaxa looga toogtey Terry Duncan. Maantaas la tooganayo waxay ahayd maalin xildhibaanadii barlamaanka ay ka gadoodeen wareegto uu soo saarey madax-wayne Boris Yetsin (1931 – 2007) oo uu ku kala dirayay xildhibaanada barlamaanka. Geeridii Terry Duncan dabadeed, howlihii shirkadda waxaa sii wadey Jamison Duncan iyo Sergei Magnitsky. Laakiin waxaa noloshoodii khatar ku keeney barnaamij howleed oo ay raad-raaciisa ku daba-socdeec. Barnaamijku wuxuu ahaa lacago si ula-kac ah loo xadey oo gaaraya 230 milyan oo doolar. Waxaa laga xadey khasnado kala duwan oo dowladdu leedahay. Lacagtaas waxaa si musuqan ugala baxay koontada dowladda rag kamid ah masuuliinta dalka.

Nasiib-darrida ku dhacdey S. Magnitsky waxay noqotey, lacagtii la xadey ee 230-ka melyan ahayd ee uu ku raad-joodey ayaa isaga lagu eedeeyo. Adduunyadatan dulmi lagama-waayee, masuuliintii uu raadkooda hayay ayaa qareenkii inta denbiile ka dhigeen, misana xabsi dhigey. Jamison Duncan oo ahaa ninka shirkadda u haray, goortii saaxiibkiis la xirey ayuu dalka isaga-baxay oo Mareekan ku laabtay.

Sergei Mgnetisky, 11 bilood oo uu xirnaa dabadeed meyd ayuu ahaa oo xabsiga gudihiisa ayaa lagu diley. Dowladda iyo warbaahinta midkoodna kama hadlin dulmigaas. Dalkan oo dhacdooyinka caynkaas ah ay ku badan yihiin ayaa waxay kamid tahay meelaha ay isaga eg-yihiin bulshada Soomaaliyeed. Sharcigii muwaadinka ilaalin lahaa ayaa wuxuu ilaalinayaa mooryaankii dulmi-falaha ahaa, markaasaa lagu dilayaa qofka la dulmiyay.

Denbigii laga galay Sergei Magnetisky, markuu dhintey dabadeed waxaa u joogsadey nin Mareekan ah oo la yiraahdo Bill Browder. Isagu waa aasaasaha iyo guddoomiyaha guddiga fulinta shirkadda agu magacaabo (Hermitage Capital Management). Bill Browder waxaa shirkadda la asaasay nin dhalashadiisu tahay Libnaani – Braasiiliyaan, kaas oo la yiraahdo Edmond Safara. Shirkaddu waa mid ka shaqaysa maal-gashiga dalka Ruushka.

Waxay xarumo ku leedahay London, Moosko, jasiiradda (Cayman Island) ee dhacda galbeedka karebianka. Xarunteedana waxay tahay jasiiradda Guernsy ee ku beegan gobolka Normandy. 23/ 11- 2009-kii, Bill Browder isaga oo u waramaya idaacadda BBC-da wuxuu sheegey, geerida Sergei Magnetisky in ay sabab u tahay in uu ku raad-joogay denbiilayaal doonayay in ay dhacaan lacag malaayiin ah. Wuxuu intaa raacshay in lagu ciqaabay in uu khatar ku yahay siyaasiyiinta iyo madaxda musuq-maasuqa”.

W; D: Dr. Saadiq Enow

Hadalsame Media