Ruushka oo sheegay inuu xal u hayo walaac caalamka ka taagan kuna digtey reer Galbeedka

0

(Moscow) 13 Maajo 2022 – Ruushka ayaa rajaynaya inuu usoo go’o dalag qamadi oo aad u badan sanadkan, kaasoo ay ku jirto sarreen rikoor jebis ah, sida uu shalay ku faanay Madaxweynaha Ruushka ee Vladimir Putin oo soo xiganaya xogo horudhac ah.

“Dalag wanaagsan ayaa la filayaa sanadkan. Sida laga soo xigtey khubarada – dabcan, waa qiyaaso horudhac ah – goosashada miraha ayaa waxay gaari kartaa 130 milyan oo tan, oo ay ku jirto 87 milyan oo tan oo sarreen ah,” ayuu yiri Putin, isagoo xusay in “tani ay noqon karto rikoodh ka mid ah kuwa ugu sarreeya [dhanka goosiga sarreenka] marka dib loo eego taariikhda Ruushka oo dhan.”

Sida laga soo xigtey Madaxweynaha Ruushka, natiijada noocan oo kale ihi “waxay dalkiisa u saamixi doontaa inuusan kaliya daboolin baahiyaha gudaha e, laakiin uu sidoo kale kordhiyo sahayda suuqa caalamiga ah ee dalalka jaalka ah, taas oo aad muhiim ugu ah suuqyada cuntada adduunka xilligan.”

Putin waxa uu intaa ku daray in tiro dalal ah ay soo food saartay khatar macluuleed, isaga oo tilmaamay in eedda arrintaasi ay gebi ahaanba dusha u saaran tahay “madaxda reer Galbeedka”.

Dalagga ugu badan ee Ruushku soo saaray ayaa waxaa uu ahaa kii la diiwaangeliyey 2017-kii, kaasoo dhamaa 135.5 milyan oo tan, oo ay ku jiraan 86 milyan oo tan oo sarreen ah.

Sannadkii 2020-dii, tiradu waxay ahayd 133.5 milyan tan oo miro ah (oo ay ku jiraan 85.9 milyan oo tan oo sarreen ah). Sannadkii hore ee 2021, dalagga soo go’ay wuxuu gaarayey 121.4 milyan oo tan oo miro ah (oo ay 76 milyan oo tan oo sarreen tahay).

Ruushka ayaa la saadaalinayaa inuu sii ahaan doono hoggaanka ama horseedka suuqa qamadiga adduunka sannadaha soo socda.

Hadalsame Media