”Haddii aad NATO ku biirtaan waxaad noo tihiin bartilmaameed idman” – Ruushka oo u digey Sweden & Finland

0
Press conference with NATO Secretary General Jens Stoltenberg, the Minister for Foreign Affairs of Finland, Pekka Haavisto and the Minister for Foreign Affairs of Sweden, Ann Linde

(Hadalsame) 13 Maajo 2022 – Xubinnimada Sweden iyo Finland ee NATO, iyo gaynta cutubyo ka tirsna isbaheysigaasi ee dhulkooda, waxay dalalkaa bartilmaameedyo suurtagal ah uga dhigi doontaa Ruushka, sida uu sheegay Wakiilka Moscow ee Qaramada Midoobey.

“Way ogyihiin hadda inay bartilmaameed noqon karaan haddii ay xubin ka noqdaan NATO, waayo taasi waxay keenaysaa in Ruushkuna qaado tillaabo la gudboon,” ayuu yiri Dmitry Polyansky oo waraysi muuqaal ah siiyey UnHerd.

“Haddii ay dhulkooda tagaan ciidamo ka mid ah NATO, dhulalkani waxay noqonayaan bartilmaameed – ama bartilmaameed suurtagal ah – oo la duqayn karo.”

“Waxay si caadi ah noola noolaayeen deris wanaagsan ahaan muddo tobanaan sano ah; haddii ay si lama filaan ah u doortaan inay qayb ka noqonayaan koox aynaan saaxiibbo ahayn, iyaga ayay ku xiran tahay.” ayuu raaciyey Polyansky.

Sidoo kale isagoo weriyeyaasha la hadlayey, Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in tillaabada ay Finland ku doonayso ku biiritaanka NATO ay tahay mid laga qoomameeyo iyo sabab lagu soo rogo jawaab celin la siman oo u dhiganta.

Fal-celinta Ruushka ayaa daba socota warkii ay soo saartay Finland oo sheegtay inay dhaqse ugu biirayso isbahaysiga millateriga NATO, sida ay sheegeen Madaxwaynaha Finland Sauli Niinisto iyo Ra’iisul Wasaaraha Sanna Marin Khamiistii shalay.

Sweden ayaa iyaduna go’aan gaari doonta dhowaan iyadoo uu Xisbiga xukuma Sweden uu kulmayo Axadda soo aaddan ee 15-ka Maajo.

Hadalsame Media