DAAWO: Dunida oo aad u hadal haysa qaabka loo qarxiyey & waxa lagu dhuftay taangi Ruushan ah (Tooreetkiisa oo cirka galay 250 cagood)

0

(Hadalsame) 13 Maajo 2022 – Waxaa soo baxay muuqaal muujinaya taangi Ruushku leeyahay oo mar qura lala helay qarax xooggan meel ka yara baxsan magaalada aadka loogu coltamayo ee Mariupol, taasoo keentay in tooreetkii taangigu uu cirka galo 250 cagood.

Muuqaal yaab leh oo uu duubay TV-ga Dowladda Shiinaha ee Phoenix ayaa muujinaya qarax lama filaan ahaa oo ka dhacay bariga Ukraine, kaas oo la arkay taangi uu Ruushku leeyahay oo mar qura kala firdhay.

Ma cadda nooca hubka loo adeegsaday qaraxan wayn, laakiin waxaa hubaal ahayd inuu ahaa mid aad u culus marka la eego sida uu taangiga uga xoog badiyey.

Tan ugu darani waa sida uu u go’ay tooreetkii uu ku rakibnaa qoriga madfaca ah ee taangiga oo isaga oo sidiisii isu haysta hawada galay ilaa 250 cagood (76m) jid mashquul badan oo ku yaalla magaalada ay dagaalladu hilfaha u qaadeen ee Mariupol, koonfur bari Ukraine.

Hadalsame Media