Qalbi Dhagax sharciyan xaq hadda ma u leeyahay inuu ka hor khudbeeyo Baarlamanka DF Somalia?!!

0

(Hadalsame) 12 Maajo 2022 – Waxaa magaalada Muqdisho gaarey Cabdikariim Sh. Muuse (Qalbi Dhagax) oo uu soo dhoweeyey RW Xukuumadda xil-gaarsiinta ah.

Ha yeeshee, waxaa durba bilowday doodo ku saabsan qorshihiisa gaar ahaan khudbo la hadal hayo inuu ka jeedinayo Baarlamanka cusub ee 11-aad oo Axadda dooranaya MW Somalia.

Weli rasmi ma aha, balse waxaa taagan su’aal ah sharcigee ayuu Qalbi Dhagax waqti xaadirkan uga hor khudbayn karaa Baarlamanka oo uusan xubinna ka ahayn DF ee uu ka tirsan yahayna xubin ka ahayn, islamarkaana uu ka tirsan yahay xisbi ka tirsan dal kale.

Xusuusnow, la iskuma hayo inay khalad ahayd dhiibistii Qalbi Dhagax ee dhammaadkii 2017-kii iyo xitaa sidii loo maareeyey taasoo lagula xisaabtami karo qofkii ka dambaysey iyadoo wax lagu salaynayo wixii ka horreeyey intaanu is bedelin moowqifka ONLF, ha yeeshee, marka sharciyan dhanka kake la eego arrinta khudbaynta dood baa geleysa su’aashuna waxay tahay mansab noocee ah ayuu ku hor tegayaa baarlamanka?

1 – Qalbi Dhagax khalad ayaa lagu dhiibey, balse isaga iyo ururkiisuba waa kuwii Itoobiya ku biiray oo xisbi siyaasadeed ka noqday, sidaa darteed, micne siyaasadeed iyo mid sharci toona haatan samayn maayo qaabad looga raadin karaana ma jirto.

Midda qura ee lagu doodi kari lahaa maanta, waa haddii isaga iyo ururkiisa ONLF ay kusii taagnaan lahaayeen mowqifkoodii midnimada Somalia iyo dagaalkii ay kula jireen DF Itoobiya, ugu yaraan wuxuu ku doodi kari lahaa Dastuurka Somalia, balse Dastuurku wuxuu taageerayaa qofkii aaminsan midnimada Soomaalida kumase jiro qofkii aamina inuu qayb ka yahay Itoobiya ama Kenya.

SABAB? Waayo sababta Dastuurka loogu daray jinsiyadda Soomaaligu wax la iska sameeyey ama iska furan ma ahane waxaa ka dambaysa istaraatijiyad fog oo ka dhan ah in uu Soomaaligu aqbalo ku biirista nidaamka dalalka dhulalka ka haysta Soomaalida.

2 – Horay uma dhicin arrin noocan ah sidoo kale maadaama aysan jirin sabab sharci ah sidaan soo xusnayna dadka wad wadaa ay ka leeyihiin ujeeddo olole siyaasadeed waxaa wanaagsan in uu meelihiisa kale ka had-hadlo laakiin baarlamanku ma wuxuu qayb kama noqonayaa olole siyaasadeed, iyadoo iyaga shaqadoodu ay haatan kaliya tahay doorashada Madaxwaynaha soo socda? Jawaabta adiga ayaa iska leh.

Tifaftirka

Hadalsame Media