Itoobiya oo ku tillaabsatay horumar ay 5 dal oo qur ihi uga horreeyeen qaaradda Afrika

0

(Addis Ababa) 12 Maajo 2022 – Shirkadda isgaarsiinta ay dowladdu leedahay ee Ethio Telecom ayaa daaha ka qaaday adeegga 5G ee taleefanka gacanta, taas oo ah tallaabo muhim ah oo ay kaga hormarayaan tartan ay kula jiraan shirkadaha cusub ee soo gelaya suuqa cusub ee Itoobiya oo ay ku jiraan shirkado caalami ah.

Shabakadaha 5G ee jiilka soo socda ayaa ku siin kara xawaaraha xog DEJINTA ama DIRISTA oo ugu yaraan 20 jeer ka dhaqso badan shabakaadka 4G waxaana loo arkaa inay muhiim u yihiin teknoolajiyadaha iminka soo baxaya sida baabuurta iswada iyo awood siinta isku xirka aaladaha u shaqeeya qaabka ”smart-ga ah”.

Madaxa fulinta ee Ethio Telecom, Frehiwot Tamru ayaa sheegtay in adeeggan marka hore laga heli doono caasimadda Addis Ababa, kahor inta uusan ugu dambayn ku fidin gobollada kale ee dalka.

“Adeegga 5G waxa laga bilaabay meelo la doortay oo ku yaalla Addis Ababa,” ayay tiri mar ay ka hadlaysey munaasabad lagu soo bandhigayey shabakaddan casriga ah. “12-ka bilood ee soo socda, waxaan Addis Ababa iyo bannaankeeda ku yeelan doonnaa 150 goobood oo 5G.” ayay raacisay.

Frehiwot ma aysan sheegin inta ay ku kacayso howlgelinta shabakadan. Ethio Telecom, oo macaamiisheeda dalkeeda ku leh 64 milyan oo macaamiil ah oo dalka oo dhan ah, ayaa bayaan kale oo ay si gaar ah usoo saartay ku sheegtay in Huawei Technologies (HWT.UL) oo Shiinaha laga leeyahay ay tahay shirkad bixinaysa qalabka shabakaddan.

Waxa ayna shirkaddani diiwaangelisay kor u kac 6.7% ah dhanka dakhliga oo galay kaasoo ah 28 bilyan oo birr ($544.40 milyan) barkii sannadkii tegey ilaa Diseembar 31.

Dalka Geeska Afrika dhaca oo ah midka qura ee haatan adeeggan leh dalalka geeska islamrkaana ay ku nool yihiin 110 milyan oo qof ayaa iibiyey mid ka mid ah laba shati oo buuxa oo la soo bandhigay Maajo 2021.

Guuleystaha shatiga koobaad, oo ah dallad ay hoggaamiso Safaricom ee Kenya SCOM.NR, Vodafone (VOD.L), iyo tan Japanese-ka ah ee Sumitomo (8053.T), ayaa ku guda jira samaynta shabakadooda kahor bilaabashada ganacsiga u qorshaysan ee haatan la dhowrayo, waloow ay DF Itoobiya dib u dhigtay shatiyo kale oo ay bixin lahayd wax qayb ka ah liberaalaynta dhaqaalaha dalkan oo xirxirnaa.

Dalalka ilaa haatan leh adeeggsan 5G waa Togo, oo ah dalkii ugu horreeyey ee Afrika yeesha adeeggan iyo Kenya, Madagascar, Seychelles, iyo South Africa.

Hadalsame Media