Farsamada ka dambaysa “Xeel Fan-hadal ah” oo uu xalay sameeyey Xasan Sheekh

0

(Hadalsame) 12 Maajo 2022 – MA JIRO QOF UU ARKO OO UU FARTA KU FIIQAYO XASAN SH.

Qoraalkan siyaasad kuma foogana, kaliya waxaan rabaa in aan asxaabta uga faa’iideeyo farsamooyinka fagaare ka hadalka ama cilmiga afka Ingiriisiga loogu garan ogyahay xeesha fan-hadalka ama ‘Rhetoric Art’.

Farta uu fiiqayo/taagayo Xasan Sheekh iyo dhoola caddeynta labadaba waa farsamo la adeegsado marka aad meel bulsho badan isugu timi ka hadleysid.

Sababta?

KOW – Cabsida iyo khalkhalka ku jira qofka fagaraha ka hadlaya ayaa ka yaraanaya! Ma jiro qof aan baqin ama khal khal haba yaraatee aan la kulmin marka ay masraxa soo fuulaan.

Muxuu samayn?

Taageereyasha ama bulshada goobta joogta waxaa suurtagal ah in ay aad u badan yihiin, meeshuna tahay meel furan sida Stadium Mogadishu ama meel xiran sida SAHAL!

Sidaas daraadeed, wey adag tahay in hadal jeedinaya qof gaara ishiisu qabato! Mana dhaqdo! Hadaba, khuburada Fagaare ka hadalka waxa ay soo jeediyaan in hadal jeediyha gacanta lulo, farta fiiqo oo uu dhoola caddeeyo! taas waxa ay sababeysa in hadal jeediya xasillo, khalkhalku ka yaraado, dadkana ma dareemi doonaan dagaalka nafsiga ah ee uu ku jiray.

Caadiyan, qofka khabiirka ku ah fagaare ka hadalka, waxa uu sameeya AMUUSNAAN ku dhaw daqiiqad inta uusan bilaabin khudbadda, intaas uu aamusnaanta ku jiro waxa ay sahleysaa in uu fara fiiq fiiqo iyo qosol ku dhufto!!

Duhur Wanaagsan.

W; D: Maxamed Kaafi

Hadalsame Media