2 kolonyo oo Ruush ah oo midi ay webi ka tallaabaysey oo dhulka duqayn lagu dhigay (Daawo)

0

(Hadalsame) 12 Maajo 2022 – Ciidamada Ruushka ayaa waxaa soo gaarey bahdil kale oo ku qabsaday dalka Ukraine kaddib markii laga burburiyey kolonyo dhan oo doonaysey inay ka gudubto webi ku yaalla gobolka Donbas, iyadoo la arkayo agab badan oo dagaal oo la burburinayo.

Sawirro lagu qaaday dayax-gacmeedka ayaa muujinaya baaxadda khasaaraha iyada oo ay muuqdaan haraaga labada buundooyinka pontoon-ka ah wabiga Donets ee Bilohorivka, galbeedka magaalada Lysychansk, oo ay ku hareeraysan yihiin burburka taangiyada iyo baabuurta gaashaaman ee Ruushka.

Waxa ay u muuqataa in taliyayaasha Ruushku ay isku dayayeen in ay hareereeyaan Lysychansk – iyo magaalada kale ee deriska la ah ee Severodonetsk – iyada oo laga gudbayo webigan, laakiin waxay arkeen weerarkoodii qarsoodiga ahaa oo isu beddelay xasuuq markii Ukraine ay si sax ah usii qiyaastay qorshahooda.

Taliska Ciidanka Ukraine ayaa markii ay qorshahan ogaadeen waxaa la sheegay inay usii diyaar garoobeen iyagoo dhegeysanaya guuxa gawaaridooda waxayna madaafiic iyo sawaariikh ku bilaabeen oo hilfaha ugu qaadeen markii ay doonyo taagag ihi bilaabeen inay jiidaan buundooyinka guurguura oo ay saari lahaayeen daamaha webiga lagu helay Ruushka.

Meel kale oo aan la sheegin goobta ay tahay ayaa waxaa iyana muuqaal la faafiyey lagu arkayaa ciidamo kolonyo ah oo mid mid loo burburinayo iyadoo laga duqaynayo meel aysan arkaynin, waxay tawaangidu saalbooyin u kala ridayaan dhinacyada, balse waxba u tari mayso.

Hadalsame Media