SAWIRRO: Reer Galbeedka oo ay walaac ku beertay arrin uu sameeyey Shiinuhu intii ay Ruushka ku maqnaayeen (Sida uu u sameeyey oo xiise gaar ah leh)

0

(Hadalsame) 11 Maajo 2022 – Intii lagu mashquulsanaa dagaalka Ukraine Shiinaha waxa uu ku guulaystay in uu sameeyo taariikh CUSUB iyaga oo Serbia ka iibiyey hannaanka daafaca cirka ee dhulka la dhigo ee FK-3 (GBADS), kaas oo ah nooc dhoofka loogo tala galay ee ka tirsan nidaamka Hong-Qi 22 (HQ-22) ee Shiinuhu laftiisu isticmaalo.

Warqad ahaan markii loo eego, nidaamkani waa mid aad halis u ah waayo wuxuu leeyahay xawaare uu guuxiisa uga dheereeyo 6 jeer. Gaar ahaan marka xisaabta lagu daro in inta badan gantaalaha difaaca hawada ee heerkan ihi aysan xawaare ahaan ka badnayn Mach 3 ama 4.

Midda kasii daran ee ay Galbeedku ku foorjaysan yihiin waa in iibinta nidaam difaac oo noocan ah uu Shiinuhu geeyo dal ku yaalla qalbiga qaaradda gabowga ah ee Yurub ah, taasoo u ah guul iyo iidheh istaraatiji ah, balse tan kasii xiisaha badani waa qaabka uu halkaa ku geeyey oo iyaduna ah cudud muujin cusub oo looga baahan yahay dal kasta oo doonaya inuu noqdo wood caalami ah.

Shiinuhu waxa ay doorteen in halkii ay agabkaa markab ku rari lahaayeen inay u xilsaaraan ciidamadooda cirka si ay nidaamkan u gaarsiiyaan Serbia, iyagoo adeegsanaya dayuuradaha culus ee ay Shiinuhu sameeyeen ee Xian Y-20 Kunpeng oo u dhigma diyaaradda Maraykanka ee Boeing C-17 Globemaster III.

Midda kasii xanuun badani waa in dayuuraddan oo lagu naanayso Kunpeng oo ah shimbir ku jirta sheeko xariirada Shiinaha oo duuli karta kumannaan mayl naqshadeedda laga xaday shirkadda Boeing kaddib markii uu 2009-kii uu nin shaqaale ka ahaa Boeing uu tafaasiisha farsamo ee dayuuradda C-17 uu ka gaday Shiinaha.

Si toos ah, Shiinuhu waxa ay tillaabadan ku muujiyeen awooddooda daabulitaanka istaraatijiga ah oo ay Galbeedku muddo dheer dunida ugu haysteen, taasoo Shiinaha haatan ku dhowaynaysa inay la sinnaadaan amaba xitaa dhaafaan mustaqbalka.

Tani waa Boeing C-17 Globemaster III oo ah midda uu Shiinuhu naqshadda kasoo ”xaday”

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media