Muxuu sameeyey Nelson Mandela markii uu makhaayad ugu soo galay nin xabsiga ku bahdili jirey?!!

0

(Hadalsame) 11 Maajo 2022 – Xusuus-Qorkii Nelson Mandela.

Wuxuu yiri Nelson Mandela markaan noqday madaxwaynaha koonfur afrika, ayaan maalin ka codsaday qaar ka mid ah wardiyayaasheyda ama ilaalideyda in ay magaalada igula soo dhex lugeeyaan, cabaar ka dib ayaanu galnay maqaayad, waan fadhiisannay, qof walbana wixii uu rabay ayuu dalbaday!

Inti aan sugeynnay cuntadi aan dalbannay, ayaa waxa ay indhahaygu ku dhaceen qof fadhiyey ka soo horjeedkeyga, dabcan isagana wuxuu sugayay dalabkiisa.

Mid ka mid ah ilaaladaydi ayaan ku iri: kac oo ninkaas ka soo codso in uu miiskaan nala soo fadhiisto si aan wax u wada cunno.

Ninkii wuu yimid, waana uu soo fadhiisiyey dhinacayga, waxaan billownay in aan cuntadi isla cunno, dhibco dhidid waawayn ah ayaa dhafoorkiisa ka soo hoorayay, gacantiisuna way jareyneysay oo maysan awoodin in ay cuntada afka gaarsiiso.. ‏

Ka dib markii aan cuntadi dhammaysannay, oo uu ninki tagay, ayuu waardiyahaygi qaaska ahaa igu yiri:

– ninkii nala fadhiyey wuxuu ahaa mid xanuunsanaya, gacmihiisu way jareynayeen, ma na awoodin in uu si fiican wax u cuno!

Waxaan ugu jawaabay:

– ninkaas wuxuu ahaa waardiyihii igu hayay qolki aan ku xirnaa, inta badan waxaa dhici jirtay; ka dib marka la isoo ciqaabo, waan qaylin jiray aniga oo codsanaya xoogaa biyo ah in la isiiyo, ninkaan ayaa ii soo geli jiray, madaxa ayuu na iiga kaadin jiray mar walba, sidaas daraadeed ayuu la jareynayay cabsi uu ka qabo darteed in aan ka aarsado oo aan xabsiga dhigo, laakiin, Akhlaaqdeydu sidaas ma ahan, maxaa yeelay: (caqliyadda ku dhisan Aargudashada ma dhisto dowlad, halka caqliyadda ku dhisan dulqaadka iyo isasaamixadda ay dhisto ummado).

Tarjume: Mohamed H. Biikole

Hadalsame Media