Maraykanka oo arrin uu ku sumcad dilayo la maaggan Ruushka oo isna sheegay inuu aarsan doono

0

(Washington DC) 11 Maajo 2022 – Washington ayaa sheegtay inay Ruushka kusoo rogtey cunaqabatayn ballaaran oo inta badan loo qoondeeyo wadamada ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanku ay u aqoonsan tahay in ay yihiin dowladaha kaalmeeya ee naas nuujiya argagixisada.

Shir jaraa’id oo ay si caadi ah u qabatay Afhayeenka Aqalka Cad, Jen Psaki, ayaa waxa ay ka jawaabeysey qorshe ay dhowaantanba riixayeen Senetarrada Lindsey Graham iyo Richard Blumenthal oo doonaya in Ruushka loo aqoonsado taageera argagixisada.

“Waxaan sameynay, horraanba, waxa ku dhici jirey wadamadaas kale. Sida cunaqabatayn dhaqaale oo ballaaran, kontaroollo dhanka dhoofinta ah, sidoo kale waxaan ka shaqaynaynaa in si diblomaasiyadeed loo xaddido maalgashiga dalalka fongoran – afarta kale iyo Ruushka, ”ayay tiri Afhayeenku. “Marka waa wax aannu horeaba u qaadnay tillaabooyinkaasi.”

4ta dal ee kale wuxuu Maraykanku ula jeedaa kuwa liiska madow uu ku daray sida Syria, Iran, Cuba iyo North Korea.

Labada ugu dambeeya ayaa ugu dambeyntii laga saaray liiska laakiin dib ayaa loogu daray intii lagu jirey xilligii maamulka Trump. Ciraaq, Liibiya, Suudaan iyo Koonfurta Yemen ayaa horay loogu daray oo markii dambe laga saaray.

Washington waxay mamnuucdaa ka iibinta hubka ee dalalka noocan ah waxayna ku soo rogtaa xayiraado dhaqaale dalalka ay u aragto kuwa ku dhaqma oo taageera argagixisada.

Senator Graham ayaa ku dooday in liiska madow haddii Moscow lagu daro ay farriin adag oo taageero ah u diri doonto Ukraine ayna noqon doonto tillaabo kale oo lagu hubinayo in Putin iyo Ruushka laga takooro” masraxa aduunka.

Yeelkeede, Maria Zakharova, oo ah Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ruushka, ayaa ku gacan sayrtay tillaabadan la soo jeediyay oo ay ku tilmaantay “mid dabci ahaan doqonimo ah” waxayna sheegtay in Ruushku uu aargoosan doono haddii laga dhabeeyo in dalkeeda lagu daro liiska argagixida.

Hadalsame Media