Hadal-jeedinta musharrixiinta oo maanta bilaabmaysa & qishka ay ka qaadan karaan Xildhibaannada & musharrixiinta laftoodu

0

(Muqdisho) 11 Maajo 2022 – Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho waxaa si rasmi ah uga bilaabanaynsa hadal-jeedinta musharrixiinta madaxwaynaha, iyada oo maanta khudbadadooda la dhageysan doono ilaa 20 musharrax oo ka mid ah tirada guud oo ah 39 qof.

Musharixiinta hadlaya ayaa midkoodba la siiyey min 15 daqiiqo, si ay uga warramaan taariikhdooda, barnaamijkooda ama bayaankooda siyaasadeed iyo waxa ay qaban kari lahaayeen haddii la xusho.

Haddaba, waxaannu idiin haynaa qoraal kooban oo ku saabsan talo loo jeedinayo musharraxiinta iyo xildhibaannada dhegeysanaya intaba, waana kan qoraalku:

Muhiimadda khubadda Murashaxa ee Baarlamaanka hortiisa. Murashaxow ii oggolow in aan kula wadaago in ka mid ah khibraddeyda kooban ee Khubadda dalka u lahaan karta muhiimadda ee aad ka jeedin doonto Baarlamaanka.

Gaar ahaan waxaan la hadlayaa murashixiinta ugu tunka weyn iyo xataa kuwa kale.

Laga yaabee in uu jiro, laakiin anigu weli ma arag Xildhibaan ii sheegay in uu khudbad Murashax dhegeystay, dhuuxay, ee go’aan ku gaaray in uu darteed ugu codeeyo Murashaxa jeediyay ama uu darteed uga guuro taageerada murashaxaas.

Waxba yaanay ku talo qaadan ee Xildhibaannada qaarkood maba dhegeystaan. Haddana aragtideyda, khudbaduhu fursad weyn ayay u yihiin Murashixiinta iyo dalkaba.

Sidee? Murashixiinta waxaa ka mid ah qaar xambaarsan aragti ama laba uu dalku u baahan yahay. Murashax kastaana ma heli doono fursad uu aragtidaas ku hirgeliyo.

Waxaa kale oo Murashixiinta ka mid ah mid Madaxweyne loo dooran doono maalmo gudahood. Waxaa markaa Murashax kasta la gudboon in uu si dhug leh u dhegeysto khudbadaha Murashixiinta kale, ama uu dhegeysigeeda u xilsaaro qof fahamkiisa iyo khibraddiisu ay heerkaas gaarsiisan yihiin oo kooxdiisa ka mid ah.

Halkaas waxaa ka soo baxaya in Madaxweynaha la doortaa uu si sahlan afkaaraha ugu wanaagsan kala dhex baxo khudbadaha soddomeeyada Murashax, ka dibna uu isagu doorashada ka dib hirgeliyo.

In uu hirgelinta u xilsaaro qofka uu fikirka ka helay waa ay wanaagsan tahay. Ma aha xaqdhowr keliya laakiin waxay u badan tahay in uu Murashaxa fikirka lahaa uu faahfaahin intaa ka badan ka hayo mowduuca.

Laakiin muhiimaddu waa in fikirka la hirgeliyay oo dalka looga faa’iideeyo.

Dhegeysi wacan!

W; Q: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media