”Waan dhimanayaa Naarta ayaana gelayaa!” – Nin Muslim ah oo su’aal adag waydiiyey Elon Musk & fasiraad laga bixiyey geerida uu ilaa dorraad ku celcelinayo

0

(Hadalsame) 10 Maajo 2022 – Bilyaneerka Elon Musk ayaa dood dheer ka abuuray baraha bulshada kaddib markii uu soo qoray farriin uu Twitter-ka dhigay oo uu ku sheegayo ”inuu dhimanayo islamarkaana uu Naarta gelayo.”

Waxaa markiiba usoo jawaabey nin Sucuudiyaan ah oo lagu magacaabo Maxamed Masxal kaasoo u sheegay in uu maalintiisa dhimanayo islamarkaana waydiiyey su’aashan:

”Waxaan la yaaban ahay hal shay oo kaliya: Cabqari ahaan, miyaadan weli ogaanin inuu jiro abuure wayn oo adduunkan uumay? Haddii aad sidaa samaysay, hubi inaad qirto kahor inta aadan haamaansan ama aysan naftu kaa haadin!”.

Yeelkeede, Elon Musk wacdigaa ma qaadanin wuxuuna kusoo jawaabey: ”Waad ku mahadsan tahay ducada, laakiin waan ku fiican ahay inaan galo Cadaabta, haddii taasi runtii tahay meesha aan u socdo, maadaama inta badan dhammaan bini’aadamku ay halkaa u socdaan.”

Arrintan ayaa deeto dhalisay dood culus oo ka socota Twitter-ka oo ay dadku iskugu jiraan qaar ninkan kibirsan u caqli celinaya iyo kuwo ku raacsan moowqifkiisa qalloocan.

Dhanka kale, saxaafadda Galbeedka ayaa sidoo kale fasiraad ka bixiyey geerida uu ilaa shalay hadal hayo Elon Musk oo ay ku micneeyeen inay hanjabaado kasoo gaareen Sirdoonka Ruushka oo ay isku qardoofeen dagaalka Ukraine.

Hadalsame Media