Ukraine oo qarxisay doon ay Ruushku leeyihiin balse si dadban Turkiga farta ugu fiiqday (Daawo)

0

(Hadalsame) 10 Maajo 2022 – Ukraine ayaa soo bandhigtay muuqaal laga arkayo iyadoo burburinaysa doon dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Badda Ruushku, gaar ahaanna ay adeegsadaan madaxda Ruushku marka ay booqanayaan saldhigyada badda ee ciidankoodu.

Doonidan oo ah nooca Raptor-ka ah ayaa lagu soo warramayaa in lagu baabi’iyey bam lagu hagayay shucaaca laysarka oo laga soo ridey diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Turkigu sameeyo ee Bayraktar TB2 oo ay leedahay Ukraine meel u dhow Jasiiradda Snake Island ee Badda Madow, xilli ay roondo ku jirtey.

Hoggaamiyaha Ruushka ee Vladimir Putin ayaa u isticmaalay doonyaha noocaan oo kale ah oo ay ku qoran tahay 001 marka uu kormeerka ku samaynayo maraakiibta saldhig-badeedyada Sevastopol iyo St Petersburg, isagoo mararka qaar dusheeda ka khudbeeya.

Dhacdadan ayaa imanaysa xilli ay Ukraine sidoo kale dhowaan burburisey doonyo laba xabbo ah oo 55-cagood ah oo ay ku qaadeen weerarro daroon, iyagoo aad u buunbuuniya weerarrada ay ka qayb qaataan daroonnada ay Turkigu sameeyaan, taasoo loo fahmey inay doonayaan inay isku afeeyaan Turkiga iyo Ruushka, iyagoo markan xitaa muujiyey muuqaalka daroonka doonidan qarxiyey.

Hadalsame Media