Maxay Teendhada Afisyooni nooga sheegaysaa 10 sanadood oo ay talinayeen MW Farmaajo & Xasan Sheekh?!

0

(Muqdisho) 10 Maajo 2022 – Waxaa AXADDA soo aaddan oo ku tusmaysan shintiriska Maajo 15 Teendhada Afisyooni ka dhici doonta doorashada Madaxtinnimada DF Somalia oo sanad iyo suggii dib u dhacaysey.

MAXAY TUSAALAYNAYSAA? Teendhada Afisyooni waxay cimri ahaan jirtaa 10 sano ku dhowaad, waayo waxaa teendhadaa oo ku dhex taalla saldhig-cireedkii Ciidanka Cirka lagu doortay Xasan Sheekh Maxamuud dhammaadkii 2022.

4 sanadood iyo suggood kaddibna waxaa uu Xasan Sheekh gacmaha qabtay MW Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isla teendhadii isagoo musharrax ah soo dhex fariisan doona Axadda 5 sano iyo suggood kaddib.

Waxay taasi muujinaysaa in aan muddadaa 10-ka sanadood ah wax horumar siyaasadeed iyo mid ammaan ah aan la gaarin, waayo haddii kale doorashadu waxay ka dhici lahayd dalka oo idil iyadoo qof iyo cod ah, amaba ugu yaraan waxay ka dhex dhici lahayd qaacooyinka caadiga ah ee baarlamanka DF Somalia ee ku dhex yaalla bartamaha magaalada Muqdisho.

Yeelkeede, waxaaba xitaa dhacday in hoobiye kusoo ag dhaco kulan ka mid ah kuwii Villa Hargaysa oo uu si KMG ah ugu shaqeeyo Aqalka Hoose, kaasoo sidoo kale qaboojiyihii laga xabadeeyey oo kulayl lala joogi waayey kulankii xigey ilaa laga soo wareego.

FG: Sheekh Shariif oo kasii horreeyey xilkana hayey muddo 3 sano ah wuxuu isagu sheegan karaa inuu teendhooyinkii dibedda ka keenay doorashada oo uu keenay teendho ku taalla dalka gudihiisa, balse raggan waxaa looga fadhiyey inay ugu yaraan dhisme caadi ah geeyaan doorashada oo garoonka ka kexeeyaan, balse waxaaba markii dambe dood gashay in teendhada la tegayo iyo in kale.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media