Hargaysa oo ay ka dhacday arrin mudan in lasii ambaqaado (Daawo)

0

(Hargaysa) 10 Maajo 2022 – Waxaa magaalada Hargaysa laga sameeyey tillaabo aad loogu baahnaa oo lagu dawaynayo dameerrada biyaha ka dhaamiya magaalada, kuwaasoo inta badan qaba dhaawacyo aanay cidinka ka dabiibin.

Waxaa magaalada lagu qabtay kulankan oo sidoo kale ahaa baraarujin iyo wacyigelin ku aaddan in dameeraha la daryeelo oo loo damqado marka ay bukaanna la daweeyo.

Dadka dameeraha leh ayaan inta badan ku baraarugsanayn xuquuqda bahaahinta ma yeeraanka ah ee ay ku shaqaystaan iyadoo ay jiraan qaar nabraha kasoo baxa inay ka daweeyaan daaye ka damqiya si uu u ordo, taasoo ah arrin qalbi iyo damqasho la’aan ah.

Waxaa goobta joogey xildhibaan ka tirsan Golaha Degaanka ee Hargaysa oo isna baraarujintan oo waafaqsan Maalinta Dameerka Adduunka waafaqsanayd ka qaybgalay, waxaana loo baahan yahay in arrintani aanay noqon mid maalin ku mood ehe la sameeyo meelo rasmi ah oo lagu daweeyo xayawaanka.

Hadalsame Media