Dal Ukraine ugu deeqay gantaalo aan qarxaynin (Nooca gantaalahan & dalka ku deeqay?)

0

(Hadalsame) 10 Maajo 2022 – Gantaalka Brimstone ayaa qarxi waayey kahor inta aanu gaarin bartilmaameedkii loogu tala galay. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gantaalka laga helay gobolka Zaporizhzhya Oblast ee dalka Ukraine. Sawirradu waxay muujinayaan in gantaalka la sameeyay bishii Juun 2004.

Habka hagitaanka iyo madaxa gantaalka Brimstone oo aan qarxin ayaa la helay waxay u badan tahay in lagu sameeyey Maraykanka Febraayo 2004, sida ku qoran saxankiisa iyadoo WHD badiyaa lala xiriiriyo fuyuusyada uu naqshadeeyo Maraykanku, balse dalka UK ayaa hubkan Ukraine ugu deeqay.

Gantaalkan oo leh hal matoor oo ku shaqeeya shidaal adke ah, ayaa ka mid ah gantaalo kala duwan oo uu dalka UK siiyey dalka Ukraine, iyadoo marar badan ay dhacday in hub gabow ah ama cilladaysan ay ka mid noqdaan hubka ay Galbeedku ku daldalayaan Ukraine.

Brimstone waa gantaal lid taangi ah oo cirka iyo dhulkaba laga gano kaasoo ay asal ahaan hindistey shirkadda MBDA UK oo u samaysay Ciidamada Cirka UK ee Royal Air Force, balse waxaa lagu sameeyaa meelo kala duwan oo ka mid ah dalalka ologga la ah UK.

Hadalsame Media